Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Shir looga hadlayay horumarinta Waxbarashada, Caafimaadka iyo Cilmi baarista oo lagu soo gabo gabeeyay Turkiga “Dhageyso”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Barnaamijyada, Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Shir looga hadlayay horumarinta Waxbarashada, Caafimaadka iyo Cilmi baarista oo lagu soo gabo gabeeyay Turkiga “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa lagu soo gaba-gabeeyay shir labo maalin socday oo looga hadlayay xoojinta xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Turkiga, waxaana si gaar ah diirada loogu saaray cilmi-baarista la xiriirta dhinaca dhaqaalaha, Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026

Shirka oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Bariga Afrika ee horumarinta iyo Cilmi baarista ee fadhigeedu yahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga  ayaa waxaa dhanka Dowladda Soomaaliya uga qeyb galay Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Cabdullaahi Xaamud, Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya Jaamac Cabdullaahi Maxamed, aqoonyahano Soomaaliyeed, ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta Turkiga iyo qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Jaamacadaha ku yaalo Soomaaliya.

Prof Cali Sheekh Axmed oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in shirka uu ka soo baxay waxyaabo badan oo faa’iido u ah bulshada Soomaaliyeed.

“Ujeedda shirka ayaa ahaa is araga dadka aqoonyahanka Soomaaliyeed, kaasi oo ahaa mid ay ku kulmayeen aqoonyahanka Soomaaliyeed ee dalka gudahiisa iyo dibadiisa jooga, iyadoo kulanka ay ka soo qeyb galeen aqoonyahanno u dhashay dalka Turkiga, oo looga doodo cilaaqaadka labada dal ka dhexeysa” ayuu yiri Prof Cali Sheekh Axmed.

“Qodobada waxaa ugu muhiimsan in labada bulsho ee Soomaaliya iyo Turkiga la xoojiyo xiriirkooda, in la sii xoojiyo xiriirka Turkiga ay la leedahay dalalka bariga Afrika, waxbarashada labada dal, dhanka Jaamacadaha iyo Cilmi baarista la iska kaalmeysto, ganacsiga aan la leenahay Turkiga in si guud ahaan loo xoojiyo, iyadoo loo qabanayo kulamo gaar ah” ayuu hadalkiisa ku daray.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda East Africa for Research and development oo fadhigeeda uu yahay magaalada Istanbul ayaa gabo gabadiisa waxaa la isku afgartay in la joogteeyo shirarka ceynkani oo kale ah ee looga hadlayo arrimaha cilmi-baarista oo muhiimad gaar ah u leh Shacabka Soomaaliyeed.

Halkan ka dhageyso Wareysiga oo dhameystiran

https://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2018/12/WAREYSI-PROF.-CALI-SHEEKH-AXMED-ABUUBAKAR.mp3
Previous Post

Request for Bids Goods

Next Post

Madaxweyne Farmaajo “Aqalka Sare waxaan ugu baaqayaa inay dedejiyaan hindise-sharciyeedka dhismaha Hey’adda Naafada Qaranka”

Next Post
Madaxweyne Farmaajo “Aqalka Sare waxaan ugu baaqayaa inay dedejiyaan hindise-sharciyeedka dhismaha Hey’adda Naafada Qaranka”

Madaxweyne Farmaajo “Aqalka Sare waxaan ugu baaqayaa inay dedejiyaan hindise-sharciyeedka dhismaha Hey’adda Naafada Qaranka”

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo horey ugu dhuumaaleysanayeen...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
0

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka wada deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa maanta gudaha...

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

March 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa khudbad ka jeedisay shirka Haweenka Adduunka ee ka socda magaalada New...

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In