Friday, January 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Shir looga hadlayay horumarinta Waxbarashada, Caafimaadka iyo Cilmi baarista oo lagu soo gabo gabeeyay Turkiga “Dhageyso”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Barnaamijyada, Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Shir looga hadlayay horumarinta Waxbarashada, Caafimaadka iyo Cilmi baarista oo lagu soo gabo gabeeyay Turkiga “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa lagu soo gaba-gabeeyay shir labo maalin socday oo looga hadlayay xoojinta xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Turkiga, waxaana si gaar ah diirada loogu saaray cilmi-baarista la xiriirta dhinaca dhaqaalaha, Caafimaadka iyo Waxbarashada.

 

Related posts

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026

Shirka oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Bariga Afrika ee horumarinta iyo Cilmi baarista ee fadhigeedu yahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga  ayaa waxaa dhanka Dowladda Soomaaliya uga qeyb galay Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Cabdullaahi Xaamud, Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya Jaamac Cabdullaahi Maxamed, aqoonyahano Soomaaliyeed, ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta Turkiga iyo qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Jaamacadaha ku yaalo Soomaaliya.

Prof Cali Sheekh Axmed oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in shirka uu ka soo baxay waxyaabo badan oo faa’iido u ah bulshada Soomaaliyeed.

“Ujeedda shirka ayaa ahaa is araga dadka aqoonyahanka Soomaaliyeed, kaasi oo ahaa mid ay ku kulmayeen aqoonyahanka Soomaaliyeed ee dalka gudahiisa iyo dibadiisa jooga, iyadoo kulanka ay ka soo qeyb galeen aqoonyahanno u dhashay dalka Turkiga, oo looga doodo cilaaqaadka labada dal ka dhexeysa” ayuu yiri Prof Cali Sheekh Axmed.

“Qodobada waxaa ugu muhiimsan in labada bulsho ee Soomaaliya iyo Turkiga la xoojiyo xiriirkooda, in la sii xoojiyo xiriirka Turkiga ay la leedahay dalalka bariga Afrika, waxbarashada labada dal, dhanka Jaamacadaha iyo Cilmi baarista la iska kaalmeysto, ganacsiga aan la leenahay Turkiga in si guud ahaan loo xoojiyo, iyadoo loo qabanayo kulamo gaar ah” ayuu hadalkiisa ku daray.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda East Africa for Research and development oo fadhigeeda uu yahay magaalada Istanbul ayaa gabo gabadiisa waxaa la isku afgartay in la joogteeyo shirarka ceynkani oo kale ah ee looga hadlayo arrimaha cilmi-baarista oo muhiimad gaar ah u leh Shacabka Soomaaliyeed.

Halkan ka dhageyso Wareysiga oo dhameystiran

 

https://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2018/12/WAREYSI-PROF.-CALI-SHEEKH-AXMED-ABUUBAKAR.mp3
Previous Post

Request for Bids Goods

Next Post

Madaxweyne Farmaajo “Aqalka Sare waxaan ugu baaqayaa inay dedejiyaan hindise-sharciyeedka dhismaha Hey’adda Naafada Qaranka”

Next Post
Madaxweyne Farmaajo “Aqalka Sare waxaan ugu baaqayaa inay dedejiyaan hindise-sharciyeedka dhismaha Hey’adda Naafada Qaranka”

Madaxweyne Farmaajo “Aqalka Sare waxaan ugu baaqayaa inay dedejiyaan hindise-sharciyeedka dhismaha Hey’adda Naafada Qaranka”

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo jimce khadka taleefanka...

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED   Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay hawlgal qorshaysan oo beegsi ah...

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

January 9, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka gaar ahaan Ciidamada Maraykanka, ayaa xalay fuliyay howlgal qorshaysan oo lala beegsaday...

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

January 9, 2026
0

The Ministers of Foreign Affairs of the Arab Republic of Egypt, the People's Democratic Republic of Algeria, the People's Republic...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In