Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlayay ka hortagga abaaraha soo noq noqday oo lagu soo gabo gabeeyay Garoowe “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Shir looga hadlayay ka hortagga abaaraha soo noq noqday oo lagu soo gabo gabeeyay Garoowe “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkii wada tashi qorshaha loogu sameenayay soo kabashada u adkeysiga  Abaaraha  Soomaaliya ayaa maanta  lagu soo gaba gabeebayay magaalada Garowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, isla markaana xarun u ah dowlad goboleedka Puntland, waxaana mudada shirka uu socday diiradda la saaray qodabo  badan oo ay ka mid  yahiin soo nooleynta  ilaha dhaqaalaha, wax soo saarka iyo qodabo kale.

Munaasabada xirtaanka shirka waxaa goobjoog ka ahaa qaar ka mid Wasiirada Puntland, Agaasimaha Guud ee  Wasaaradda qorsheynta iyo Agaasimiyaasha  guud  ee dowladdaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyo madax kale.

Related posts

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026

Agaaasimaaha guud ee Wasaradda qorsheynta Jubbaland Cabdiwaaxid Maxamed Dhaqane ayaa sheegay in maamulada ay soo dhaweenayaan wax ka qabashada abaaraha soo noq noqday ee dalka.

‘Hadii aan  nahay dowladdaha xubnaha ka ah dowladda dhaxe waxaan bogaadinayaa horumarka dowlad Gobaleedka Puntland, arinta hadii aan gudo galo waxaa  inoo muuuqda in la soo qaaday talaabooyin waa wayn ee wax looga qabanayo abaarahan” ayuu yiri Cabdiwaaxid.

Cabdulqaadir Maxamed Aadan Agaasimaha Guud ee Qorsheynta Dowladda Federaalka ayaa waxuu xusay in maanta  ay muhiiim tahay in intaan Soomaali ah ay qorsheeyaan sidii  soo kabasho  u adkeysi abaaraha  Soomaaliya ugu sameyn  lahaayeen.

“Muhiimadda shirkan la isku raacay waxaa ay yahiin qodabo dhowr ah oo ay ka mid yahiin  soo nooleynta ilaha dhaqaalaha wax soo saarka, dadka halkan jooga wax ay sameyn karaan  qorshaha Qaranka Soomaaliyeed waa muraayada Qaranka  heer Federaal iyo mid  dowladd Gobaleed marka waxaan sameynay afarta cisho ee aan halka joognay shaqooyin  badan oo wax looga qabanayo abaarahan soo noq noqday, iyadoo la iska qaadanayo warbixintii ka soo baxday qiimeyntii ku saabsaneeyd isla qaadayashada  abaaraha soo noqday ee DINA.130 taalabo oo waa wayn ah ayaa wax looga qabanayaa soo kabahsada abaaraha, waxaana la eegayaa mudnaanta maamul walbo uu leeyahay” ayuu yiri Agaasime Maxamed Aadan.

Wasiirka Qorsheynta dowlad Gobaleedka Puntland Shire Xaaji Faarax ayaa sheegay in maanta meel wanaagsan Qaranka Soomaaliyeed uu jooga oo ka hadlayo wax keenay abaaraha soo noq noqday.

“Waxaa muhiiim ah in aan ogaano waxa soo cel celiyay abaaraha aan dursano haddii si wadajir ah howshan u qabaneyno waa muhiim si uu Qarankeena u gaaro horumar iyo barwaaqo” ayuu yri Shire.

Wasaaradda Qorsheynta iyo kuwa dowladd gobaleedyada waxaa ay wadaan dadaalo ku aadan sidii dalka loogu sameyn lahaa qorshe wax looga qabanayo abaaraha soo laab laabtay.

 

Head Office Media Minister of Plan

Abdirahsiid Nuur Ibraahiim

Previous Post

Wasiirka Kalluumaysiga oo Ankara kula kulmay Wasiirka dhaqaalaha ee Dalka Turkiga “SAWIRRO”

Next Post

The mayor of Mogadishu opened the self-reliance program for helping the IDP’s

Next Post
The mayor of Mogadishu opened the self-reliance program for helping the IDP’s

The mayor of Mogadishu opened the self-reliance program for helping the IDP’s

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caddaaladda oo war ka soo saartay hannaanka dib u eegista Dastuurka

January 27, 2026
0

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ka jawaabeysaa hadallo dhawaan ay jeediyeen qaar ka mid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In