Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo lagu qabtay Garoowe “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo lagu qabtay Garoowe “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arimaha Gudaha dowlad goboleedka Puntland iyo Taliyaha Ciidamada Booliiska ayaa ka qayb galay shir looga hadlay amniga guud ee deegaannada Puntland, gaar ahaan Amniga Caasimadda ee Garoowe.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray Amniga Guud ee Puntland iyo kan Caasimada, iyadoo warbixino kala duwan oo ku saabsan Xaalada Amniga loogaga dhagaystay Madaxda Amniga Puntland.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026
Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026

Ugu dambayntii mas’uuliyiintii ka qaybgalay shirka Amniga ayaa laga soo saaray qodobo lagu adkaynayo Amniga Guud iyo kan Caasimadda intuba, iyadoo la faray in cidkasta oo ay qusayso ay fuliso awaamiirta ka soo baxday shirka Amniga:-

1. In laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 05 July 2023 la manuucanay hubka sida aan sharciga ahayn loogu dhex wato magaalooyinka Puntland, gaar ahaan Caasimadda. dadka u xilsaaran amniga maahee ciidamada kale waxaa la farayaa in ay ku ekaadaan Xeryahooda si loo kala garto askariga shaqaynaya iyo qofka qaswadaha ah,

2. In laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 05 July 2023 la manuucay baabuurta aan taarikada lahayn, ciddii lagu qabto iyada oo magaalada ku dhex wadata baabuur aan lahayn taariko waa laqabanayaa waxaana la hor keenayaa sharciga,

3. In dadka wada kicinta, qaxinta iyo barakicinta dadweynaha iyaga oo adeegsanaya warar aan sal iyo raad lahayn ay ka waantoobaan arrinkaas, ciddii lagu helo waxay wajahaysaa sharciga,

4. In la joogteeyo lana dardargeliyo xoojinta la dagaalanka argagisada iyo mukhaadaraadka,

5. In la xoojiyo iskaashiga iyo wada shaqayn laamaha amniga, Guddoomiyaasha heer Gobol iyo Degmo ee Puntland, lana xoojiyo amniga gudaha.

Previous Post

Ciidamada Kumaandooska Danab iyo Gorgor oo howlgal ka sameeyay deegaanno hoostaga Galcad

Next Post

Safiirka Soomaaliya ee dalka Ethiopia oo la kulmay Wasiirka Warshadaha Ethiopia

Next Post
Safiirka Soomaaliya ee dalka Ethiopia oo la kulmay Wasiirka Warshadaha Ethiopia

Safiirka Soomaaliya ee dalka Ethiopia oo la kulmay Wasiirka Warshadaha Ethiopia

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Al-calameyn ee dalka Masar kaga qaybgalay Madasha Ganacsiga Alcalamayn–Afrika, oo...

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026
0

Eedeysane Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal, ayaa lagu soo eedeyay dembiga ah dil kas ah oo uu u geeystay Marxuum...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS waxay si adag u cambaareyneysaa weerarka lagu qaaday xarun koronto...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In