Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlayo doorka haweenka ee dib-u-eegista Dastuurka oo Muqdisho ka furmay “Sawirro”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Shir looga hadlayo doorka haweenka ee dib-u-eegista Dastuurka oo Muqdisho ka furmay “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa labada guddi ee u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ayaa maanta magaalada Muqdhisho ka furtay shir laba maalin socon doona oo ku saabsan sidii haweenka Soomaaliyeed looga talo-gelin lahaa qodobada dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameyay.

Ugu horeyn, waxaa shirka ku soo dhaweeyay dhamaan ka qaybgalayaasha islamarkaana sharaxday ujeedooyinka shirka Marwo Zahra Cali Xasan oo kamid ah La-taliyayaasha Sare ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Sidoo kale, waxaa shirka bogaadisay islamarkaana taageero u muujisay Gudoomiyaha Kutladda Haweenka ee Baarlamaanka Federaalka Marwo Jawaahir Axmed Cilmi.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Gudigga la-socodka ee Dib-u-eegista Dastuurka ee labada gole Mudane Cabdiqaybdiid iyo Gudoomiyaha Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Marwo Muumino Sheekh Cumar ayaa si wadajir ah waxa ay taageero ugu muujiyeen haweenka Soomaaliyeed iyagoo sheegay in xuquuqdooda uu sugayo dastuurka.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac oo shirka furay ayaa yiri “Waxa aan ku faraxsanahay muddo ka yar afartan cisho in aan seddex kulan oo wadatashi ah la yeelanay haweenka, taasi ayaa cadeyneysa in aan dooneyno doorka haweenka ee dhameystirka dastuurka in uu noqdo mid ballaaran si ay uga qaybqaataan go’aan ka gaarista arrimaha masiiriga ah”.

Ugu dambayn, shirkan oo ay ka qaybgalayaan haween ka kala yimid gobolada dalka ayaa waxaa ay taladooda ku biirin doonaan qodobada dib-u-eegista lagu sameeyay ee dastuurka.

Previous Post

Xaaladda Wabiga, Dhibaatooyinka uu ka gaystay Hirshabeelle & khatar laga digay “Warbixin”

Next Post

Wasiir Maareeye oo xariga ka jaray qeyb cusub oo lagu soo kordhiyey Warbaahinta Qaranka “Sawirro”

Next Post
Wasiir Maareeye oo xariga ka jaray qeyb cusub oo lagu soo kordhiyey Warbaahinta Qaranka “Sawirro”

Wasiir Maareeye oo xariga ka jaray qeyb cusub oo lagu soo kordhiyey Warbaahinta Qaranka "Sawirro"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In