Magaalada Muqdisho waxaa ka socda shir looga hadlayo dowrka saxaafadda ay ku leedahay horumarinta dhaqanka.
Shirkan oo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen Wasaaaradda Waraafainta Soomaaliya, UNESCO, Midowga Yurub iyo Haayadda CISP ayaa waxaa goobjoog ka ah agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Al-caddaala iyo xubno kale oo ka socda warbaahinta Madaxa Bannaan.
Mudada shirkan uu socdo ayaa diirada lagu saarayaa sidii loo horumarin lahaa dhaqanka iyo kobcinta hab dhaqanka wanaagsan ee saxaafadda.