Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlayo isku xirka laamaha hay’adda socdaalka Dalka oo ka furmay Muqdisho

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Shir looga hadlayo isku xirka laamaha hay’adda socdaalka Dalka oo ka furmay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan looga arrinsanayo isku xirka Laamaha kala duwan ee hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa Maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.

Shir weynahan ayaa ah mid lagu gorfeynayo wixii ka hirgalay qorshihii la dejiyay Saddexdii Bil ee lasoo dhaafay iyo hiigsiga Sagaashanka Cisho ee soo socta.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaaliyeed, Cabdi Xasan Xijaar oo shirka furay ayaa kula dardaamay mas’uuliyiinti ka qeybgashay in ay wada shaqayn ballaaran ka dhaxeyso haya’dda socadaalka iyo Ciidanka Booliska Soomaliyeed , si looga hortago dhibaatada ay geystaan Dadka diiddan horumarka Ummadda Soomaliyeed.

Taliyaha hay,adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Somaaliya, Maxamed Aadan Jimcaale Koofi, ayaa sheegay in ay u qabsoomeen howlahii ay dejiyeen intooda badan, Saddaxdii Bil ee la soo dhaafay isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay in ay sameyn doonaan waxqabad ka ballaaran midka hadda lagu tallaabsaday.

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga Gobolka Banaadir , Maxamed Cabdullaahi Maxamed Tuulax , ayaa sheegay in ay yaraadeen caqabado badan oo ka jiray sameynta warqadaha dhalashada.

Shirweynaha looga hadlayo isku xirka laamaha hay’adda socdaalka Soomaaliya ayaa ah mid Saddexdii Bilba mar lagu qabto mid ka mid ah Gobollada Dalka, si loo helo isla xisaabtan guud oo ku saleysan shaqada hay,adda.

Previous Post

Ardayda Guriceel oo ka qeyb qaatay Isxilqaan lagu dhisayo Waddada xiriirisa Dhuusamareeb iyo Guriceel+Sawirro.

Next Post

Maamulka degmada Luuq oo Faah-faahiyay socdaal ay ku mareen Gobolka Gedo.

Next Post
Maamulka degmada Luuq oo Faah-faahiyay socdaal ay ku mareen Gobolka Gedo.

Maamulka degmada Luuq oo Faah-faahiyay socdaal ay ku mareen Gobolka Gedo.

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In