Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlayo isku xirka laamaha hay’adda socdaalka Dalka oo ka furmay Muqdisho

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Shir looga hadlayo isku xirka laamaha hay’adda socdaalka Dalka oo ka furmay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan looga arrinsanayo isku xirka Laamaha kala duwan ee hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa Maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.

Shir weynahan ayaa ah mid lagu gorfeynayo wixii ka hirgalay qorshihii la dejiyay Saddexdii Bil ee lasoo dhaafay iyo hiigsiga Sagaashanka Cisho ee soo socta.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaaliyeed, Cabdi Xasan Xijaar oo shirka furay ayaa kula dardaamay mas’uuliyiinti ka qeybgashay in ay wada shaqayn ballaaran ka dhaxeyso haya’dda socadaalka iyo Ciidanka Booliska Soomaliyeed , si looga hortago dhibaatada ay geystaan Dadka diiddan horumarka Ummadda Soomaliyeed.

Taliyaha hay,adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Somaaliya, Maxamed Aadan Jimcaale Koofi, ayaa sheegay in ay u qabsoomeen howlahii ay dejiyeen intooda badan, Saddaxdii Bil ee la soo dhaafay isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay in ay sameyn doonaan waxqabad ka ballaaran midka hadda lagu tallaabsaday.

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga Gobolka Banaadir , Maxamed Cabdullaahi Maxamed Tuulax , ayaa sheegay in ay yaraadeen caqabado badan oo ka jiray sameynta warqadaha dhalashada.

Shirweynaha looga hadlayo isku xirka laamaha hay’adda socdaalka Soomaaliya ayaa ah mid Saddexdii Bilba mar lagu qabto mid ka mid ah Gobollada Dalka, si loo helo isla xisaabtan guud oo ku saleysan shaqada hay,adda.

Previous Post

Ardayda Guriceel oo ka qeyb qaatay Isxilqaan lagu dhisayo Waddada xiriirisa Dhuusamareeb iyo Guriceel+Sawirro.

Next Post

Maamulka degmada Luuq oo Faah-faahiyay socdaal ay ku mareen Gobolka Gedo.

Next Post
Maamulka degmada Luuq oo Faah-faahiyay socdaal ay ku mareen Gobolka Gedo.

Maamulka degmada Luuq oo Faah-faahiyay socdaal ay ku mareen Gobolka Gedo.

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In