Sii-hayaha wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya Injineer Cabdullaahi Cali Xasan ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah furay shir looga tashanayo dhaqan gelinta xeer nidaamiyaha sharciga ganacsiga shirkadaha dalka oo la ansaxiyay sannadkii 2019.
Shirka ayaa waxaa goobjoog ka ah maamul goboleedyada, qeybaha ganacsatada iyo sharci yaqaano, waxaana lagu falanqeyn doonaa qaabkii loo dhaqan geli lahaa sharcigaan.