Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta oo maanta ka furmaya Magaalada Dammaam ee Baqortooyada Sacuudiga

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta oo maanta ka furmaya Magaalada Dammaam ee Baqortooyada Sacuudiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026

Magaalada Dammaam ee dalka Sacuudiga waxaa maanta oo Axad ah ka furmaya shir madaxeedka 29-aad ee wadamada ku bahoobay Jaamacadda Carabta, kaasi oo arrimo badan looga hadli doono.

Shirka Madaxda Jaamacadda Carabta ayaa la qorsheeyay in diirradda lagu saaro qadiyadda Falastiin, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xiisadaha ka taagan dalalka Suuriya, Yamen iyo Liibiya, iyadoona madaxda carabtu ay si qoto dheer uga doodi doonaan xal u helista dhibaatooyinka ka jira dalalka xubnaha ka ah ururka Jaamacadda Carabta.

Madaxweynaha dowldda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay gaaray Magaalada Dammaam ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa Ka qeyb-galaya shirkaasi maanta ka furmayo Magaalada Dammaam.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu-wadaa inta shirkan uu socdo in uu kulamo gaar gaar ah la yeesho Madaxda qaar ee shirka ka qeybgalaya,isagoo kala hadli doono xoojinta xiriirka iyo iskaashiga danaha guud .

 

Previous Post

R/wasaare Kheyre oo kulan looga hadlay Amniga Caasimadda la qaatay Maamulka G/Banaadir iyo Taliska Booliska+Sawirro

Next Post

Daawo: Doorashada Kursiga Golaha Shacabka ee ka socota Dhuusamareeb

Next Post
Daawo: Doorashada Kursiga Golaha Shacabka ee ka socota Dhuusamareeb

Daawo: Doorashada Kursiga Golaha Shacabka ee ka socota Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda dalka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In