Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir madaxeedkii amniga Afrika oo maanta lagu soo gabagabeeyay dalka Ethiopia

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Shir madaxeedkii amniga Afrika oo maanta lagu soo gabagabeeyay dalka Ethiopia
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Bahir Dar, 17 April 2016: Shir Madaxeedkii 5-aad ee Madasha Sare ee Amniga Qaaradda Afrika (Tana High-Level Forum on Security in Africa) oo muddo laba maalmood ah ka socday magaalada Bahir Dar ee dalka Jamhuuriyadda Federaalka Ethiopia ayaa maanta si rasmi ah loo soo gabagabeeyay.

Shirkan ayaa arrimihii ugu waaweynaa ee diiradda lagu saaray waxaa ka mid ah waxqabadkii shantii sanno ee la soo dhaafey, xaaladda nabadgelyada iyo amniga ee Africa, doorka qaaradda ee amniga caalamka, iyo fikrado is-dhaafsi la xiriira tayeynta amniga iyo xalinta xasaradaha.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah madaxd shirkan ka qeybgashey ayaa sheegay in kulankan aaraadii la isku dhaafsadey ay waxtar u leeyihiin in Afrika ay mashaakilaadkeeda xal u hesho, doorna ku yeelato go’aamada arrimaha caalamka.

Madaxda shirkan ka soo qeybgashey waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaarahja Ethiopia, Hailemariam Desalegn, Madaxweynaha Togo , Faure Essozimna Gnassingbé, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Suudaan, Field Marshal Omer Al-Bashir, Madaxweyneyaashii hore ee Botswana, Mauritania, Xoghayihii Guud ee hore ee Qaramada Midoobay Kofi Annan, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, wakiilo ka socdey dalalka kale ee Afrika, beesha caalamka iyo khubaro caalami ah oo arrimaha amniga qaabilsan.

Guddoomiyaha Madasha Sare ee Amniga Afrika, Olusegun A. Obasanjo oo ah Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, ayaa kula dardaarmey ka qeybgalayaasha inay si ficil ah uga shaqeeyaan sidii Afrika ay doorkeeda uga cayaari lahayd arrimaha caalamka.

1 2 3

Previous Post

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia oo ka wadahadley iskaashiga dhaqaalaha labada dal iyo gobolka

Next Post

Raggii ka dambeeyay weerar saaka lagu qaaday labo gabdhood oo gacanta lagu dhigay

Next Post
Raggii ka dambeeyay weerar saaka lagu qaaday labo gabdhood oo gacanta lagu dhigay

Raggii ka dambeeyay weerar saaka lagu qaaday labo gabdhood oo gacanta lagu dhigay

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In