Tuesday, May 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Shir Midnimo oo ka Dhacay Jabuuti (Warbixin)

admin by admin
7 years ago
in Maqaallo
0
Shir Midnimo oo ka Dhacay Jabuuti (Warbixin)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sida aan la wada socono waxaa bilihii la soo dhaafay la hadal hayay wada hadalada ay wada yeesheen Madaxda 3-da Dowladood ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eretareeya, kaasi oo lagu sheegay inuu yahay mid iskaashi dhaqaale iyo mid bulsho, balse abuuray tuhun iyo hunnu-hunnu, sidaasi awgeed si loo turxaan-bixiyo arrimahaasi, ayaa waxaa Magaalada Jabuuti ee Dalka Jabuuti lagu qabtay shir ballaaran oo looga hadlayay arimahaas, islamarkaana lagu jeex-jeexayay Isbedelka Mowjadaha Gobolka Geeska Afrika. Shirka waxaa ka qeybgalay Mas’uuliyiin iyo dad kor u dhaafay 150 ruux oo ka kala yimid dhammaan deegaanada ay Soomaalidu degto, kaasi oo ay soo agaasintay Hay’adda Cilmi-Baarista iyo warbixinada ee HERITAGE, waxaana martigalisay Dowladda Jabuuti.

 

Related posts

Warbixin: Xubinimada EAC waxay Soomaaliya iyo Gobalkaba u horseedi doontaa waa cusub oo Rajo, Xasilooni iyo Barwaaqo

Warbixin: Xubinimada EAC waxay Soomaaliya iyo Gobalkaba u horseedi doontaa waa cusub oo Rajo, Xasilooni iyo Barwaaqo

November 13, 2023
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Muqdisho kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Muqdisho kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya

December 29, 2022

Shirkaasi oo aad la iskula soo qaaday Isbedelka la rabo inuu ka hanaqaado Gobolka Geeskla Afrika iyo kaalinta ay Soomaalidu ka qaadan karto, ayaa waxaa la isku weydaarsaday fikrado iyo aaraa la xiriira arrintaasi, kaasi oo socday intii u dhaxeysay 14- 18-kii bishan Disember, laguna qabtay Magaalada Djibouti, ayaana lagu soo geba gebeeyey Madasha Aragtiwadaagga Soomaalida, oo uu soo qaban-qaabiyay Machadka daraasaadka Siyaasadda ee Heritage, Madashaasi oo aad loo soo agaasimay waxaa ka soo qeybgalay Soomaali ka badan 150 qof oo isugu jira, aqoonyahano, suxufiyiin iyo siyaasiyiin ka kala yimid dhammaan daafaha dunida, iyadoo waxyaabihii kale ee la isla soo qaaday ayaa waxaa ka mid aha danaha ka dhaxeeya dadka Af-Soomaaliga ku hadla ee Geeska Afrika iyo horumarintooda, waxaana intii uu socday shirkaasi halkaasi ka hadlay Ra’iisul-wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna meesha ka saaray Xam-xamta iyo Hunnu-hunnida jirta, isagoo caddeeyay in aysan jirin midowga 3-da dowladood ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eretareeya.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa faahfaahin ka bixiyay is-dhexgalka iyo is-bedelka ballaaran ee gobalka geeska Afrika, wuxuuna sheegay in is-dhexgalku Gobolku uu yahay is-dhex gal dhaqaale ee aysan jirin dawlado midoobaya iyo heshiisya ay madaxda gobalku saxiixdeen, isagoo ugu baaqay in ay bulshada Soomaaliyeed laga daayo marin habaabinta, tarjumaadda khaldan iyo ka been sheegidda is-bedelka Gobalka Geeska Afrika.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in is-dhexgalkani uu Soomaaliya dan wayn u yahay uuna u horseedayo xasilooni siyaasadeed iyo in meesha ay ka baxdo faragelintii siyaasadeed ee ay wadamada derisku ku hayn jireen, wuxuuna intaasi ku daray in aan la qarin karin heshiisyo ay dowlado galeen, haddii ay jiraana ay Madaxda dawladaha kale soo ban-dhigi lahaayeen, War-murtiyeed ka soo baxay kulan ay Madaxdu yeesheenna aan loo fasiri karin heshiis.

Shirkaasi intii uu socday ayay dhowr guddi oo kala duwan ay isla falanqeeyeen arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga gobolka Geeska Afrika, is-dhexgalka Soomaalida iyo waxa wada-qabsigooda, arrimaha dhaqaalaha iyo ammaanka gobolka sidii loo sugi lahaa, iyadoo uu guddi kasta oo ka koobnaa afar qof, ay marka ay soo gudbiyaan warbixintooda kadib, waxaa su’aalo weydiinayay dad gaaraya 150 qof oo shirka joogay.
Ugu dambeyntiina waxaa shirkaasi soo afjaray Madaxweynaha Dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Wuxuuna sheegay in isbedelada haatan socda iyo kuwa soo socdaaba loo baahan yahay in la iska fiiriyo la iskana hubiyo wixii dan u ah Ummadda Soomaaliyeed iyo kuwa dibindaabyo wada, wuxuuna soo qaatay Maamaahda ah waa baahanahay Bahalo looma cuno.

Agaasimaha Hay’adda HERITAGE Cabdirashiid Khaliif Xaashi oo ay Hay’addiisu soo agaasintay Shirkaasi ayaa sheegay in ay muhiimaddu aheyd in Soomaalida la aruuriyo, isbedelkana lagu galo Indho furnaan iyo in loo dad badsado, waxaa kaloo uu xusay in la isku afgartay in la bilaabo wadahadaladii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Somaliland, iyadoo lala wadaagayo Madaxda Qaranka.

Shirkaasi oo ahaa mid ay Soomaalidu isku warsaneysay, kana tashaneysay aayaheeda, islamarkaana ka kala yimid meelo badan oo dunida ah iyo deegaannada ay Soomaalidu degto ama afka Soomaaliga looga hadlo, madal aad qurxoonna ay u dhigtay Dowladda Jabuuti, ayaa waxaa lagu tilmaami karaa inuu ahaa Shir Midnimo oo ka Dhacay Dalka Jabuuti.

Qallinka: C/laahi Ruush

 

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS iyo Ra’iisul wasaaraha XFS oo Xalay Kulmay+sawirro

Next Post

Somali man arrested in Italy after comments about attacking Vatican: police

Next Post
Somali man arrested in Italy after comments about attacking Vatican: police

Somali man arrested in Italy after comments about attacking Vatican: police

Taliyaha Hay’adda NISA oo la kulmay Imaam Daahir Imaam Maxamuud

Taliyaha Hay’adda NISA oo la kulmay Imaam Daahir Imaam Maxamuud

May 19, 2026
0

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa maanta degmada Gubadley ee Gobolka Banaadir kulan...

Soomaaliya oo ka mid noqotay dalalka Isku Aadka Qaramada Afrika loo qori tuuray

Soomaaliya oo ka mid noqotay dalalka Isku Aadka Qaramada Afrika loo qori tuuray

May 19, 2026
0

Xiriirka Kubadda Cagta Afrika ayaa shaaciyay isku aadka isreeb-reebka heerka Groupyada ee tartanka Qaramada Afrika ee 2027, iyadoo munaasabad weyn...

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka XDS oo guddoomiyay kulan amniga looga hadlayey

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka XDS oo guddoomiyay kulan amniga looga hadlayey

May 19, 2026
0

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Cabdullahi Xuseen Cirro ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlay amniga Gobolka Baay...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

May 19, 2026
0

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in ka badan 90 dal oo caalamka ah, ayaa booqasho ku tagay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In