Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Ansixinta Istaraatiijiyadda isku xirka xiriirka Warbaahinta Dalka oo lagu gabagabeeyay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Shirka Ansixinta Istaraatiijiyadda isku xirka xiriirka Warbaahinta Dalka oo lagu gabagabeeyay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS, Wasiirada Warfaafinta dowladaha xubnaha ka ah federaalka iyo Agaasinka Warfaafinta gobolka Banaadir, ayaa maanta saxiixay Istaraatiijiyadda Isku-xirka xiriirka warbaahinta dalka, kadib markii maanta loo bandhigay bulshada iyo deeqbixiyayaasha caalamka shir ku qabsoomay Hoolka Hanger-ka ee garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.

Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS oo ugu joreyn soo dhoweeyay ka qeyb galayaasha ayaa sheegay in Wadatashiga Istaraatijiyaddani in uu soo socday tan iyo bishii May hannaankeeduna ahaa mid loo dhan yahay oo ay ka qeyb galeen Hay’adaha Dowladda Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah, gobolka Banaadir iyo Bulshada rayidka ah.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026

Wasaaradda ayaa ka qeyb galayaasha u bandhiga ahmiyadda Istaraatiijiyadda, meelaha hortabinta leh, iyobyoolalka ay hiigsanayso.

Wakiilo ka socday Qaramada Midoobay, safiirada dowladaha Maraykanka, , China, Norway, Kenya,Talyaaniga, UK,  diblomaasiyiin iyo ergo ka socotay ururada dowliga ah iyo hay’adaha caalamiga ah oo hadal jeediyay soo bandhigga Istaraatiijiyadda kadib, ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaa in Soomaaliya ay yeelato Istaraatiijiyad qaran oo lagu hagi doono isku xirka xiriirka warbaahinta dalka ee lagu hagi doono howlaha warbaahinta dowladda shanta sano ee soo socota.

Wasiirka Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa sheegay in Istaraatiijiyadda warbaahinta dalku ay soo martay marxalado wadatashi iyo talo-wadaag oo muddo socday, ugu dambeynta ay Wasiirada Warfaafinta dalku isku raaceen ansixinteeda ayna isku waafaqeen in si wadajir ah ay u fuliyaan si loo mideeyo fariimaha dowladda ee heer federaal, dowlag goboleed iyo gobolka Banaadir. Wixii maanta ka dambeeyay ay fulinteeda si wadajir ah uga shaqeyn doonaan.

Wasiirada Warfaafinta dowlad goboleedyada iyo Agaasinka Warfaafinta ee gobolka Banaadir, ayaa si wadajir ah u saxiixay Istaraatiijiyadda. Iyagoo mid mid uga hadlay goobtana waxay mid mid u muujiyeen sida ay uga go’an tahay meelmarinta Istaraatiijiyadda iyo ay si wadajir ah uga shaqeeyaan doonaan meelmarinta Istaraatiijiyadda iyo howlaha ka dhiman fulinteeda. Howlahaas oo ay ka mid yihiin diyaarinta mas’uuliyadda shaqo ee Xafiiska Isku-xirka xiriirka dowladda iyo diyaarinta howlaha shaqo ee labada sano iyo barka soo socda, markaas oo dib u eegis iyo horumarin lagu sameyn doono si labada sano iyo barka dhinac la horumariyo si loo meelmariyo casharadii laga bartay labada sano iyo barkii hore ee xafiisku shaqeeyay.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, oo ugu dambeyntii soo xiray shirka, isla markaana mid mid ula kulmay wakiiladii safaaradaha, deeqbixiyayaasha caalamiga iyo hey’adaha adeeg fuliyayaasha ee la shaqeeya deeqbixiyayaa qaar ka mid ah shirka ku sugnaa, ayaa wuxuu ugu baaqay safaaradahan iyo hey’adahan in ay wasiirada warfaafinta dalka kala shaqeeyaan fulinta Istaraatiijiyadan qaran.

Wasiir Daa’uud Aweys, ayaa sidoo kale ugu baaqay Wasiirada Warfaafinta ee heer dowlad goboleed iyo gobolka banaadir in ay ka dhabeeyaan ballanqaadkooda, ayna kala shaqeeyaan Wasaaradda Warfaafinta dowladda Federaalka ah ee Soomaaliyeed in wasaaradaha warfaafinta dalku sidii ay u hogaamin lahaayeen howlaha warbaahinta iyo isku-xirka xiriirka howladaha warbaahineed ee dalka.

Wasiirka Da’uud Aweys Jaamac, ayaa ugu dambeyntii u mahadceliyay dhamaan howl-wadeenada kaalinta ka qaatay diyaarinta Istaraatiijiyadda isku-xirka xiriirka warbaahinta dalka, deeqbixiyayaashii soo xaadiray, wasiiradii ansixiyay iyo dhamaan ka qeybgalayaasha shirka.

 














Previous Post

Madaxweynaha JFS oo siyaasiyiin iyo odeyaasha dhaqanka kala hadlay xoreynta deegaannada Galmudug

Next Post

Wasiirka caddaaladda XFS oo soo dhaweeyay guulaha laga gaaray howl-gallada dib u xoreynta

Next Post
Wasiirka caddaaladda XFS oo soo dhaweeyay guulaha laga gaaray howl-gallada dib u xoreynta

Wasiirka caddaaladda XFS oo soo dhaweeyay guulaha laga gaaray howl-gallada dib u xoreynta

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda dalka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In