Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Ansixinta Istaraatiijiyadda isku xirka xiriirka Warbaahinta Dalka oo lagu gabagabeeyay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Shirka Ansixinta Istaraatiijiyadda isku xirka xiriirka Warbaahinta Dalka oo lagu gabagabeeyay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS, Wasiirada Warfaafinta dowladaha xubnaha ka ah federaalka iyo Agaasinka Warfaafinta gobolka Banaadir, ayaa maanta saxiixay Istaraatiijiyadda Isku-xirka xiriirka warbaahinta dalka, kadib markii maanta loo bandhigay bulshada iyo deeqbixiyayaasha caalamka shir ku qabsoomay Hoolka Hanger-ka ee garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.

Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS oo ugu joreyn soo dhoweeyay ka qeyb galayaasha ayaa sheegay in Wadatashiga Istaraatijiyaddani in uu soo socday tan iyo bishii May hannaankeeduna ahaa mid loo dhan yahay oo ay ka qeyb galeen Hay’adaha Dowladda Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah, gobolka Banaadir iyo Bulshada rayidka ah.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026

Wasaaradda ayaa ka qeyb galayaasha u bandhiga ahmiyadda Istaraatiijiyadda, meelaha hortabinta leh, iyobyoolalka ay hiigsanayso.

Wakiilo ka socday Qaramada Midoobay, safiirada dowladaha Maraykanka, , China, Norway, Kenya,Talyaaniga, UK,  diblomaasiyiin iyo ergo ka socotay ururada dowliga ah iyo hay’adaha caalamiga ah oo hadal jeediyay soo bandhigga Istaraatiijiyadda kadib, ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaa in Soomaaliya ay yeelato Istaraatiijiyad qaran oo lagu hagi doono isku xirka xiriirka warbaahinta dalka ee lagu hagi doono howlaha warbaahinta dowladda shanta sano ee soo socota.

Wasiirka Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa sheegay in Istaraatiijiyadda warbaahinta dalku ay soo martay marxalado wadatashi iyo talo-wadaag oo muddo socday, ugu dambeynta ay Wasiirada Warfaafinta dalku isku raaceen ansixinteeda ayna isku waafaqeen in si wadajir ah ay u fuliyaan si loo mideeyo fariimaha dowladda ee heer federaal, dowlag goboleed iyo gobolka Banaadir. Wixii maanta ka dambeeyay ay fulinteeda si wadajir ah uga shaqeyn doonaan.

Wasiirada Warfaafinta dowlad goboleedyada iyo Agaasinka Warfaafinta ee gobolka Banaadir, ayaa si wadajir ah u saxiixay Istaraatiijiyadda. Iyagoo mid mid uga hadlay goobtana waxay mid mid u muujiyeen sida ay uga go’an tahay meelmarinta Istaraatiijiyadda iyo ay si wadajir ah uga shaqeeyaan doonaan meelmarinta Istaraatiijiyadda iyo howlaha ka dhiman fulinteeda. Howlahaas oo ay ka mid yihiin diyaarinta mas’uuliyadda shaqo ee Xafiiska Isku-xirka xiriirka dowladda iyo diyaarinta howlaha shaqo ee labada sano iyo barka soo socda, markaas oo dib u eegis iyo horumarin lagu sameyn doono si labada sano iyo barka dhinac la horumariyo si loo meelmariyo casharadii laga bartay labada sano iyo barkii hore ee xafiisku shaqeeyay.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, oo ugu dambeyntii soo xiray shirka, isla markaana mid mid ula kulmay wakiiladii safaaradaha, deeqbixiyayaasha caalamiga iyo hey’adaha adeeg fuliyayaasha ee la shaqeeya deeqbixiyayaa qaar ka mid ah shirka ku sugnaa, ayaa wuxuu ugu baaqay safaaradahan iyo hey’adahan in ay wasiirada warfaafinta dalka kala shaqeeyaan fulinta Istaraatiijiyadan qaran.

Wasiir Daa’uud Aweys, ayaa sidoo kale ugu baaqay Wasiirada Warfaafinta ee heer dowlad goboleed iyo gobolka banaadir in ay ka dhabeeyaan ballanqaadkooda, ayna kala shaqeeyaan Wasaaradda Warfaafinta dowladda Federaalka ah ee Soomaaliyeed in wasaaradaha warfaafinta dalku sidii ay u hogaamin lahaayeen howlaha warbaahinta iyo isku-xirka xiriirka howladaha warbaahineed ee dalka.

Wasiirka Da’uud Aweys Jaamac, ayaa ugu dambeyntii u mahadceliyay dhamaan howl-wadeenada kaalinta ka qaatay diyaarinta Istaraatiijiyadda isku-xirka xiriirka warbaahinta dalka, deeqbixiyayaashii soo xaadiray, wasiiradii ansixiyay iyo dhamaan ka qeybgalayaasha shirka.

 














Previous Post

Madaxweynaha JFS oo siyaasiyiin iyo odeyaasha dhaqanka kala hadlay xoreynta deegaannada Galmudug

Next Post

Wasiirka caddaaladda XFS oo soo dhaweeyay guulaha laga gaaray howl-gallada dib u xoreynta

Next Post
Wasiirka caddaaladda XFS oo soo dhaweeyay guulaha laga gaaray howl-gallada dib u xoreynta

Wasiirka caddaaladda XFS oo soo dhaweeyay guulaha laga gaaray howl-gallada dib u xoreynta

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

April 2, 2026
0

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee (GANHRI), oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Geneva, ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In