Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Badqabka Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo lagu gabagabeeyay Muqdisho “Sawirro”

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Shirka Badqabka Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo lagu gabagabeeyay Muqdisho “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka caalamiga ah ee badqabka Saxafiyiinta oo labadii maalin ee la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa dhinacyada ka qeyb galay oo ka kala socday dowladda Federaalka Soomaaliya,  warbaahinta madaxa banaan,  Bulshada Rayidka iyo beesha caalamka waxa ay isku raaceen in la sameeyo gudigga Qaran  ee Badqabka Wariyayaasha Soomaaliyeed iyo sameynta habraac mideysan oo lagu wajaho baqabka wariyaha.

Sii hayaha Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ahna Wasiir ku xigeenka wasaaradda Mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis oo soo xeray shirka ayaa ku dhawaaqay sameynta Gudigga Qaran ee Badqabka saxafiyiintaoo ka kooban 11 xubnood oo ka kala imaanaya Dowladda, Warbaahinta iyo Bulshada rayidka si looga hortago tacadiyada ka dhanka saxafiyiinta, isaga oo sheegay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay ilaalinta badqabka wariyaha.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Agaasimaha Guud ee wasaraadda Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan yuusuf Sheekh (Alcadaala) ayaa shaxray  muhiimada dhismaha gudiggan waxa uu tilmaamay inuu sameynayo habraac sax oo ku aadan badqabka suxufiga iyo la socodka xaaladaha soo wajaho, waxaana uu intaa ku daray in Soomaaliya ay noqotay waddankii ugu horeeyay ee ku yaala geeska Afrika oo hirgaliyay ol olaha caalamiga ah ee badqabka saxafiyiinta..

ka qeyb galayaasha shirka waxay soo dhaweeyeen natiijada shirka iyo sida wasaradda warfaafinta ee Soomaaliya ay go’an tahay xoojinta badqabka saxafiga.

John Bosca Mayiga oo ka socday Hey’adda UNESCO ee qaramada midoobay oo taageertay shirkaan iyo Afhayeenka Xafiiska Qaramada  Midoobay ee Soomaaliya Joy Contrast waxa ay sheegeen in caalamka uu taageerayo waxwalba oo kor u qaadaya badqabka saxafiga.

Shirkan ayaa ahaa kii ugu horeeyay oo nuuciisa ah oo lagu qabto Soomaaliya, waxaana uu xoojinaya in wadajir la isaga kaashado badqabka Wariyayaasha  Soomaaliyeed

Cabdishakuur Cali Axmed

 

 

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Booliska “ waxaan diyaarinay qorsheyaal aan ku dayactireyno Xarumihii Booliska uu lahaa ee burbursan”

Next Post

Soomaaliya Oo La Ciyaari Doonto Uganda

Next Post
Soomaaliya Oo La Ciyaari Doonto Uganda

Soomaaliya Oo La Ciyaari Doonto Uganda

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In