Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka dhalinyarada qurbajoogta Soomaaliyeed ( Somali Diaspora Youth Conference) oo lagu qabtay magaalada Alexandria ee gobolka Virginia”Sawirro

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo arrimo muhiim ah ka wada hadlay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

 Shirkan oo ah mid la qabto sanadwalba waxaa sanadkii tobaad ka soo qeybgalay dhalinyaro qurba joog ah oo ka kala yimid gobolada dalkan Mareykanka iyo Canada.

Waxaa soo abaabulay Hay’ada Adar Foundation oo ah Hay’ad u dhaq dhaqaaqda arimaha Bulshada.

Sanadkan waxaa looga hadlayay arimaha Xagjirka, Muslin nacaybka, Cudurada dhimirka, Xuquuul insaanka iyo kuwa kale oo badan.

Arinta xagjirka ayaa ahayd arin soo jiidasho lahayd iyada oo Soomaalida dalkan ku nool lagu tilmaamo in ay u nugulyihiin arimaha xagjirka maadama ay yihiin Dad Madoow, Muslim ah, isla markaana dhawaan soo galay dalkan.

Muhiimada ayaa lagu sheega in arinta xagjirnimada looga gudbi karo in la sameeyo isdhexgal bulsho, Aqoonta dhalinyarada oo kor loo qaado iyo in la sameeyo dadaalo ku aadan horumarinta jaaliyadaha.

Shirkan oo hab doodo kala duwan lagu soo bandhigayay  ayaa dhalinyaradu waxay isku dhaafsanayeen arahdooda, iyada oo doodaha qayb ay ka ahayeen aqoonyahano iyo waxgaradkale oo gundhig u ahaa shirkan.

Aqoonayahanka shirkan sidaweyn uga dhex muuqday waxaa ka mid ah Abukar Arman, Fowzia Abdikadir, Horsed Nuh, Alia Ibrahim, Fatima Ali Nur, Warsan Mohamed Yusuf iyo aqoonyahano kale oo dhalinyaro u badan gabi ahaantoodna soo bandhigay Mowduucyo dhaxalgal u ahaa dadkii ka soo qeybgalay.

Waxaa la soo hadal qaaday dhibaatada dhalinyarada xabsiyada Mareykanka iyo Canada ku jira iyo sidii xal loogu heli lahaa loona kobcin lahaa aqoontooda isla markaan aloogu samayn lahaa wacyi galin.

Shirka dhalinyarada qurbajoogta Soomaaliyeed  ee (Somali Diaspora Youth Conference)  waxaa waxyabaha looga hadlayay ka mid ahaa sida lagama maarmaanka ay u tahay in dhalinyaradu dib ugu laabtaan dalkooda iyaga oo ka helaya qibrad waaya aragnimo iyo in ay dareemaan in ay leyihiin dal la saan qaadi kara dunida inteeda kale iyo in aqoontooda iyo waaya aragnimadooda ay la wadaagaan dadkooda.

Shirkan ayaa waxa lagu tilmaamaa in uu ka midyahay shirarka waxgalka u leh dhalinyarada Soomaaliyeed ee qurbajoogta ah kuwaas oo sanadkiiba mar isku arka shirkan isla markaana is dhaafsada aarah, waaya aragnimo, aqoon, iyo sheekooyin xiiso leh iyada oo qaar dalka Soomaaliya ka soo laabtay ay dhiirogalin u sameeyaan kuwa wali aan dalkii tagin.

Previous Post

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo arrimo muhiim ah ka wada hadlay

Next Post

Doorashada kursi ka banaan golaha shacabka ayaa ka socota magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe.

Next Post
Doorashada kursi ka banaan golaha shacabka ayaa ka socota magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe.

Doorashada kursi ka banaan golaha shacabka ayaa ka socota magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe.

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In