Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka dhalinyarada qurbajoogta Soomaaliyeed ( Somali Diaspora Youth Conference) oo lagu qabtay magaalada Alexandria ee gobolka Virginia”Sawirro

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo arrimo muhiim ah ka wada hadlay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

 Shirkan oo ah mid la qabto sanadwalba waxaa sanadkii tobaad ka soo qeybgalay dhalinyaro qurba joog ah oo ka kala yimid gobolada dalkan Mareykanka iyo Canada.

Waxaa soo abaabulay Hay’ada Adar Foundation oo ah Hay’ad u dhaq dhaqaaqda arimaha Bulshada.

Sanadkan waxaa looga hadlayay arimaha Xagjirka, Muslin nacaybka, Cudurada dhimirka, Xuquuul insaanka iyo kuwa kale oo badan.

Arinta xagjirka ayaa ahayd arin soo jiidasho lahayd iyada oo Soomaalida dalkan ku nool lagu tilmaamo in ay u nugulyihiin arimaha xagjirka maadama ay yihiin Dad Madoow, Muslim ah, isla markaana dhawaan soo galay dalkan.

Muhiimada ayaa lagu sheega in arinta xagjirnimada looga gudbi karo in la sameeyo isdhexgal bulsho, Aqoonta dhalinyarada oo kor loo qaado iyo in la sameeyo dadaalo ku aadan horumarinta jaaliyadaha.

Shirkan oo hab doodo kala duwan lagu soo bandhigayay  ayaa dhalinyaradu waxay isku dhaafsanayeen arahdooda, iyada oo doodaha qayb ay ka ahayeen aqoonyahano iyo waxgaradkale oo gundhig u ahaa shirkan.

Aqoonayahanka shirkan sidaweyn uga dhex muuqday waxaa ka mid ah Abukar Arman, Fowzia Abdikadir, Horsed Nuh, Alia Ibrahim, Fatima Ali Nur, Warsan Mohamed Yusuf iyo aqoonyahano kale oo dhalinyaro u badan gabi ahaantoodna soo bandhigay Mowduucyo dhaxalgal u ahaa dadkii ka soo qeybgalay.

Waxaa la soo hadal qaaday dhibaatada dhalinyarada xabsiyada Mareykanka iyo Canada ku jira iyo sidii xal loogu heli lahaa loona kobcin lahaa aqoontooda isla markaan aloogu samayn lahaa wacyi galin.

Shirka dhalinyarada qurbajoogta Soomaaliyeed  ee (Somali Diaspora Youth Conference)  waxaa waxyabaha looga hadlayay ka mid ahaa sida lagama maarmaanka ay u tahay in dhalinyaradu dib ugu laabtaan dalkooda iyaga oo ka helaya qibrad waaya aragnimo iyo in ay dareemaan in ay leyihiin dal la saan qaadi kara dunida inteeda kale iyo in aqoontooda iyo waaya aragnimadooda ay la wadaagaan dadkooda.

Shirkan ayaa waxa lagu tilmaamaa in uu ka midyahay shirarka waxgalka u leh dhalinyarada Soomaaliyeed ee qurbajoogta ah kuwaas oo sanadkiiba mar isku arka shirkan isla markaana is dhaafsada aarah, waaya aragnimo, aqoon, iyo sheekooyin xiiso leh iyada oo qaar dalka Soomaaliya ka soo laabtay ay dhiirogalin u sameeyaan kuwa wali aan dalkii tagin.

Previous Post

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo arrimo muhiim ah ka wada hadlay

Next Post

Doorashada kursi ka banaan golaha shacabka ayaa ka socota magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe.

Next Post
Doorashada kursi ka banaan golaha shacabka ayaa ka socota magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe.

Doorashada kursi ka banaan golaha shacabka ayaa ka socota magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe.

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In