Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka dhameystirka maamulka Hawada Soomaaliya oo lagu soo gaba-gabeeyay Addis Ababa “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Shirka dhameystirka maamulka Hawada Soomaaliya oo lagu soo gaba-gabeeyay Addis Ababa “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa maanta oo ay Taariikhdu tahay 28-ka June 2019-ka lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya, shir ku saabsanaa heshiis ay Dowladda Soomaaliya kula soo wareegtay maamulka iyo Maareeynta shaqaalaha.

Shirkan oo socday muddo Afar Cisho ah ayaa looga hadlay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray, dedaalkii loo galay in ay Soomaaliya la soo wareegto Hawadeeda iyo dhamaystirka wixii haray.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Sii hayaha, Maareeyaha hay’adda duulista Hawada Rayidka Soomaaliya,Axmed Macallin Xasan, ayaa sheegay in tallaabadan ay soo jiitamaysay muddo dheer, laguna bixiyay juhdi fara badan tan iyo markii ay maamulka Hawada si toos ah ula soo wareegtay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar), ayaa sheegay in shirka ay la yeesheen Hay’adda  ICAO uu geba-gebo u ahaa, dhammeys tirka guud ahaan maamulka Hawada Soomaaliya, ee ay ugu dambeysay wareejinta shaqaalaha oo haatan la saxiixay.

Qodobbada shirkanTaariikhiga ah waxaa Dowladda Federaalka Soomaaliya u saxiixay, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar).

Dhanka ICAO waxaa hoggaaminayay una saxiixay Agaasimaha Hay’adda ICAO Technical Cooperation Bureau Mr;Jorge Vargas, ICAO reginal office Director Mr; Kashambo, ICAO Air Navigation Bureau iyo madax kale oo ka socotay xarunteeda dhexe oo ee Canada.

Shirka Dowladda iyo ICAO waxa uu gabo-gabo u ahaa dhamaystirka guud ahaan maamulka Hawada Soomaaliya oo ay ugu dambeeysay wareejinta shaqaalaha ee maanta la kala saxiixday .

Shaqaalaha ka shaqaynayay xarunta maamulka Hawada Soomaaliya waxay 31/7/2019 ku wareegayaan Dowlada Soomaaliya, iyadoo shaqaalaha Ajaaniibta ah ay tiradoodu hoos u dhacaysay tan iyo markii ay Dowladdu billoawday soo wareejinta maamulka Hawada, waana tiradii ugu badnayd ee ay Dowladda Soomaaliya ruqsaysayso 31/7/2019, iyadoo boosaska ay banneeyeen buuxinayaan khubarada Soomaaliyeed oo aqoon u leh arrintan.

Dhanka IATA Waxaa uga qeyb galay shirka, Luis Arce, oo ah madaxa uruurinta dakhliga Diyaardaha laga qaado, Magdy Reda , Madaxa kharashyada Diyaaradaha laga qaado iyo ,Sidy Gueye, oo ah xiriiriyaha Bariga Afrika.

Waxay IATA cusboonaysiisay heshiiskii ay la gashay Dowladdii Kacaanka 1989-kii, oo ahaa in ay Soomaaliya u uruuriso Lacagaha laga qaado Diyaaradaha mara Hawada Soomaaliya.

Heshiiskani wuxuu meesha ka saaray hay’adda ICAO oo IATA u shubi jirtay Lacagaha laga qaado Diyaaradaha mara Hawada Soomaaliya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah ula wareegtay lacagaha laga qaadayo diyaaradaha isticmaala hawada Soomaaliya.

 

 

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo booqday xarumaha qaar ka mid ah Shirkadaha dhismaha iyo Gawaarida Dalka Shiinaha “SAWIRRO”

Next Post

Wafdi uu hogaaminayo  Ra’iisul Wasaare Kheyre oo si diiran loogu soo dhaweeyay Caabudwaaq “SAWIRRO”

Next Post
Wafdi uu hogaaminayo  Ra’iisul Wasaare Kheyre oo si diiran loogu soo dhaweeyay Caabudwaaq “SAWIRRO”

Wafdi uu hogaaminayo  Ra'iisul Wasaare Kheyre oo si diiran loogu soo dhaweeyay Caabudwaaq "SAWIRRO"

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In