Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa shir-gudoomiyay kulanka degmooyinka ee Maamulka Gobolka Banaadir, oo todobadkii mar la qabto waxaana kulankaasi goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir, Taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Saadaq Cumar Xasan, guddoomiyaasha degmooyinka, Taliyaasha saldhigyada iyo taliye qeybeed yada gobolka Banaadir iyo sidoo kale gudoomiye ku xigeenada maamulka gobolka banaadir iyo taliyaha Booliska ee Gobolka Banaadir.
Shirkan oo dhowr qodob looga hadlay ayaa looga mahadceliyay ciidanka amniga ee qaabilsan gobolka Banaadir sida ay ugu guuleesteen sugida amniga Caasimadda bishii barakeysneed ee Ramadaan iyo sida ay ula shaqeeyeen maamulka gobolka banaadir iyo maamulada degmooyinka, waxaa sidoo kale looga hadlay qodoba ay kamid yihiin arimaha wacyigalinta Covid-19, Canshuuraha,iyo Nadaafada.
“Waxaan uga mahadcelnineynaa Ciidamada Amniga Sugida amniga Caasimada bishii kheyrka badneed ee inoo soo dhammaatay ee Ramadaan sida ay u sugeen amniga iyo sida ay ula shaqeeyaan shacabka sidoo waxaan bogaadinayaa doorka aan ka qaadanay ka hortaga cudurka safmarka ah ee Covid-19 oo saameyn ku yeeshay Caasimada ‘ayuu ku daray Guddoomiye Cumar (Filish).