Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Golaha Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya oo dhowaan la qaban doono

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Shirka Golaha Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya oo dhowaan la qaban doono
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan la qaban doono shir looga hadlayo horumarinta dhaqaalaha.

Wasiirka oo ka qeyb-galayey barnaamijka kulanka toddobaadka ee kabaxa Radio Muqdisho iyo Telefishinka (SNTV) ayaa sheegay in shirkan uu noqon doono kii ugu horeeyay ee nuuciisa ah, isla markaana lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka, kaas oo uu Guddoomiye ka yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Wasiirka Qorsheynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in Hey’adaha Qaramada Midoobay ay isla garteen in lacagaha lagu bixinayo gargaarka badankood lagu maalgeliyo horumarinta beeraha, si  wax looga qabto abaaraha soo laa-laabtay.

“Saannadkaan Wasaaradda waxa ay hiigsaneysaa sidii Soomaaliya tobanka sanno ee soo socdo loogu diyaarin lahaa in laga dhigo waddanka ugu awoodda badan dhinaca Dhaqaalaha waddamada Afrika” ayuu Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya.

Wasiirka Qorsheynta oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in ay Wasaaraddu sameysay sahan lagu qiimeeyo maalin walba heerarka maciishadda dalka  oo ah halka laga ogaan karo isbadellada ku yimaada kobaca dhaqaalaha, ayna ku rajo weyn yihiin in la qiimeeyo dhammaan alaabaha dalka la keenno iyo kuwa dalkeenna laga dhoofiyo.

Previous Post

Madaxweynaha iyo Wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhaweeyay Guriceel

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Imaqashii ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Imaqashii ee Radio Muqdisho

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In