Tuesday, September 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Golaha Wasiirada oo lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedyo isla markaasna lagu magacaabay Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka- SAWIRRO

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
Shirka Golaha Wasiirada oo lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedyo isla markaasna lagu magacaabay Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka- SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 03 August 2017 – Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa arrimaha kulanka looga hadlay waxaa ka mid ahaa Amniga, ansixinta Hindise Sharciyeedyo, warbixino la dhageystay iyo magacaabista Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka.

Golaha Wasiirada ayaa ugu horreyntii soo dhoweeyey Heshiiskii Soomaaliya iyo India ee ku saabsanaa is-weydaaarsiga maxaabiista. Golaha ayaa dhageystay warbixinta safarka Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka oo booqday xabsi ay Soomaali ku xirnaayeen, oo Soomaalida ay maxaabiista ku soo arkeen ahaayeen kuwo qaadayay heestii Soomaaliyey toosoo toosoy isku tiirsada ee, isla markaasna ay sawir calanka ah sameeyeen bacdamaa aysan heysan calanka. Maxkamada India ayaa 15 Soomaali ah ku xukuntay 7 sano oo xarig kuwaas oo 6sano iyo bar horey u soo dhameystay.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Dalka Serbia

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Dalka Serbia

September 1, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐭𝐢𝐫𝐚𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚 𝟐𝟎𝟐𝟔

September 1, 2026

Wasiirka Amniga ayaa sheegay in horumar ballaaran laga sameeyey dhanka xasilinta caasimada iyo nawaaxigeeda, ciidanka niyadiisana ay aad u dhisantahay, dhowaana la dar-dargelin doono soo celinta amniga iyo nabadeynta dalka oo dhan. Wasiirka ayaa sheegay in iyadoo lala kaashanayo Gobolka Benadir iyo dhowaan la furi doono waddooyinka xir-xiran qaarkood bacdamaa amnigii uu soo hagaagayo. Wasiirka ayaa sheegay in maanta Ra’iisul Wasaarahu ka qeybgalay barnaamijka is-dhexgalka, wada-shaqeynta iyo wacyigelinta ee ciidamada qalabaka-sida oo lagu qabtay Akadeemiyada Jeneral Kaahiye.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa ka warbixiyey howlihii u qabsoomay Guddiga Siyaasada ee Heer Wasiiro oo dhowaan la soo gudbin doono qorshaha iyo istraatejiyada lagu hubinayo in dalka doorashooyin ka dhacaan 2020-2021ka, dib-u-eegista dastuurka, hirgelinta xisbiyada siyaasada, dhameystirka qorshaha federaaleynta, dib-u-heshiisiinta iyo hubinta amniga doorashooyinka.

Golaha Wasiirada ayaa ansixiyey Hindise Sharciyeedyo 3 ah oo kala ah:

1. Hindise Sharciyeedka Biyaha oo dalka u horseedi doono sidii loo nidaamin lahaa helista biyaha, hubinta in biyahu ay nadiif yihiin, shacabkana meel walba oo ay joogaan si fudud lagu gaarsiin karo.
2. Hindise Sharciyeedka Manhajka Waxbarashada oo wadatashi dheer oo lala yeeshay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyo dowlad goboleedyada. Sharcigan ayaa sahlaya mideynta manhajka waxbarashada dalka, hubinta in caruurta la baro duruusta muhiimka u ah muwaadinimadooda isla markaasna u horseedi doona dalka waxbarasho tayo leh oo muwaadin walba uu xaq u leeyahay.
3. Hindise Sharciyeedka Caafimaadka oo muhiim u ah dalka, horseedi doonana in daawooyin tayo leh laga iibiyo shacabka, in takhaatiirta howlgasho la nidaaminayo oo la hubinayo, iyo goobaha caafimaadka oo iyagana la diiwaangelinayo si loo hubiyo inay adeegyo caafimaad oo lagu kalsoonaan karo ay fulinayaan.

Golaha ayaa loo qeybiyey Hindise Sharciyeedyada ay ka mid yihiin Maaeynta Maaliyada, Xakameynta Hubka iyo Batroolka si wasiirada u soo akhristaan oo kulanka danbe looga doodo.

Ugu danbeyntii Wasiirka Maaliyada ayaa Golaha Wasiirada u soo gudbiyey Maxamed M. Cali inuu noqdo Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka, oo ah khabiir dhanka Maamulka iyo Maareynta Maaliyada, haddana u shaqeeya Dowlada Hoose ee Washington ee dalka Mareykanka oo uu ka yahay Maamule Sare ee dhanka Dhaqaalaha, heystana Shahaadada Masterka ee MBA oo uu ka qaatay Jaamicada Maryland ee dalka Mareykanka. Golaha Wasiirada ayaa ansixiyey talo-soo jeedintii Wasiirka Maaliyada.

DHAMMAAD

Previous Post

DEG DEG:- Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka oo la magacaabay

Next Post

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Magacaabay Guddiga Qaran ee Taakulaynta Ciidamada iyo Lataliyeyaal Gaar ah…AKHRISO

Next Post
Fowsiyo Axmed oo ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Canada oo bogaadisay Madaxweynaha cusub “Dhageyso”

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Magacaabay Guddiga Qaran ee Taakulaynta Ciidamada iyo Lataliyeyaal Gaar ah...AKHRISO

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Dalka Serbia

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Dalka Serbia

September 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed barbar socday Shir-madaxeedka dalalka dhex-dhexaadka ah ee magaalada Belgrade,...

Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐭𝐢𝐫𝐚𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚 𝟐𝟎𝟐𝟔

September 1, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, ayaa ku dhawaaqay qabsoomidda Shirweynaha Madasha Qaran ee...

Ra’iisul Wasaare Xamsa & wafdiga la socday oo kulamo la qaatay hay’ado iyo shirkado dowladeed oo Qatar leedahay

Ra’iisul Wasaare Xamsa & wafdiga la socday oo kulamo la qaatay hay’ado iyo shirkado dowladeed oo Qatar leedahay

September 1, 2026
0

Intii uu ku guda jiray booqashadiisa rasmiga ah ee dalka Qatar, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

MADAXWEYNAHA JFS OO KHUDBAD KA JEEDIYAY SHIRKA DALALKA DHEX-DHEXAADKA AH

MADAXWEYNAHA JFS OO KHUDBAD KA JEEDIYAY SHIRKA DALALKA DHEX-DHEXAADKA AH

September 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay Shirka Dalalka dhex-dhexaadka ah oo maanta ka furmay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In