Sunday, May 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Amniga, Kobaca dhaqaalaha dalka, Dhismaha Ciidanka Xoogga dalka iyo qodobo kale.

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Amniga, Kobaca dhaqaalaha dalka, Dhismaha Ciidanka Xoogga dalka iyo qodobo kale.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Khayre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa, amniga guud ee dalka, geeddi socodka kobcinta dhaqaalaha, warbixin la xiriirta maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran Jazeeradda Seychelles iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Ugu horeyn, Wasiirka Amniga Gudaha ayaa ugu horreyn golaha siiyey warbixin la xiriirta xaalada amniga guud, gaar ahaan falkii argagixiso ee saakay ruux dhagar-qabe ah ka geystay xarunta Akaadeemiyada Booliska ee Jen. Kaahiye oo ku shahiideen 17 askari 15 kalana ay ku dhaawacmeen. Golaha ayaana ka tacsiyeeyey askartii halkaas ku shahiiday. Waxuuna sheegay Wasiirku in hay’adaha amniga ay laba jibaarayaan howlgallada xasilinta dalka.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo Golaha Mustaqbalka ku casuumay kulan wadatashi ah

May 2, 2026
Ku-simaha Wasiirka Shaqada XFS oo ka qeybgashay Xuska Maalinta Shaqaalaha

Ku-simaha Wasiirka Shaqada XFS oo ka qeybgashay Xuska Maalinta Shaqaalaha

May 2, 2026

Wasiirka Gaashaadhigga ayaa laga dhagaystay warbixin kooban oo ku saabsan tirakoobka ciidanka XDS halka ay marayso iyo howlihii u qabsoomay, waxuuna sheegay in la dar-dar galiyey howlihii diyaargarowga ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ee badali lahaa kuwo AMISOM.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale war-bixin ka dhagaystay Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta oo ka hadlay halka ay marayaan howlihii la soo wareegidda Domain ama lahaanshaha DOT.SO oo hadda ku jira gacmo kale.

Wasiirka Maaliyadda ayaa golaha warbixin ka siiyey geeddi socodka koboca dhaqaalaha dalka iyo muhiimadda maareynta maaliyadda dalka oo xiligan ay dawladdu ku howlan tahay hagaajintooda meel wanaagsan oo caalamku ammaanayna maraya. Waxuuna tilmaamay in la kordhiyey aruurinta canshuuraha si meesha looga saaro musuq-maasuqa iyo gacmaha kale ee ku dhacayeen lacagaha ka soo xarooda canshuuraha dalka. Wasiirka ayaa sidoo kale warbixin ka bixiyey halka ay mareyso daabacadda lacagta shilinka Soomaaliga.

Dhanka kale, Wasiirka Arimaha Dibedda ayaa ka war-bixiyay safaradii uu dibedda ku aaday waxuuna sheegay in dhamaantood ay guul ku soo dhamaadeen, isla-markaana cadeeyay in howlihii soo deynta maxaabiista ku xiran Jazeeradda Seychelles ay meel gabo-gabo ah maryso dhawaana la filayo in xoriyaddooda ay helaan. Dhanka kale safaradii uu u raacay Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wadamadii ay tageen ayuu sheegay in ay kala kulmeen soo dhowayn heer sare iyo iyo guulo.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa sheegtay in Soomaaliya ay soo ceshatay xubinimadeeda Hay’adda Badaha Aduunka oo mudo 27 sano ay ka maqnayd Soomaaliya, iyadoo laga cafiyey daymihii hay’addu ku lahayd dalka.

Ugu danbeyn, Shirka Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay halka ay marayaan howshii dhismaha Gudiga dhaqaalaha qaranka oo xiligan maraya heer gabo-gabo ah dhawaana la soo bandhigi doono. Waxaa kaloo ay goluhu ka hadleen shuruucdii ay xukuumaddu balan qaaday in ay u soo gudbiso Baarlamaanka oo ahaa ilaa iyo 15 ayna gudbiyeen ilaa iyo 14 sharci iyo hal hindise dhowaana baarlamaanka la horgeyn doono inta aysan fasaxa galin.

Previous Post

Saraakiil ka tirsan Qeybta 12ka April ee Ciidanka Xoogga oo maanta Tababar loo xiray “Sawirro”

Next Post

Dhageyso: Shaqada Dekedda Boosaaso oo dib usoo laabtay

Next Post
Dhageyso: Shaqada Dekedda Boosaaso oo dib usoo laabtay

Dhageyso: Shaqada Dekedda Boosaaso oo dib usoo laabtay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo Golaha Mustaqbalka ku casuumay kulan wadatashi ah

May 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo ka duulaya kulamadii iyo wada-tashiyadii gaarka ahaa ee uu muddooyinkii...

Ku-simaha Wasiirka Shaqada XFS oo ka qeybgashay Xuska Maalinta Shaqaalaha

Ku-simaha Wasiirka Shaqada XFS oo ka qeybgashay Xuska Maalinta Shaqaalaha

May 2, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, ahna Wasiir ku xigeenka wasaaradda, Xildhibaan Aamina Xuseen Cali ayaa maanta magaalada...

Munaasabad lagu xusayay 1-da May oo lagu qabtay Muqdisho

Munaasabad lagu xusayay 1-da May oo lagu qabtay Muqdisho

May 2, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad si heer sare...

Dowladda Soomaaliya oo ammar ku bixisay in laga guuro dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Dowladda Soomaaliya oo ammar ku bixisay in laga guuro dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

May 2, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa si faahfaahsan u sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In