Saturday, November 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Doorashooyinka iyo Caabuqa COVID-19 “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Doorashooyinka iyo Caabuqa COVID-19 “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayuu ugu horreyn ka siiyey Golaha warbixin xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in uu jiro dib u dhac yar hadana kulan labo habeen ka hor uu la yeeshay Madasha Qaran ay isku afgarteen in ay ku soo afjaraan doorashada Aqalka Sare Asbuuca soo socda,  dibna ay isugu yimaadaan kulan looga arrinsanayo sidii horey loogu sii anbaqaadi lahaa doorashada Gollaha Shacabka.

Related posts

Wasiirka Kalluumeysiga Iyo Dhaqaalaha Buluugga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Wasiirka Kalluumeysiga Iyo Dhaqaalaha Buluugga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Turkiga ee Soomaaliya

November 15, 2025
Dowladda Soomaaliya oo kordhisay saacadaha shaqada ee dekadda Muqdisho

Dowladda Soomaaliya oo kordhisay saacadaha shaqada ee dekadda Muqdisho

November 15, 2025

Warbixinta uu Golaha Wasiirrada ka siinayay Ra’iisul Wasaarahu Siyaasadda dalka ee xiliga kala guurka, ayuu ku sheegay in xal-u-raadinta iyo abuuris jawi isfaham oo uu muddo ka dhex waday siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland oo ay kala hogaaminayeen Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, oo la xiriirtay doorashada Guddoonka Guddiga SIET ee Somaliland uu dadaal xooggan ku bixiyay in isfahan la gaaro, waqtina uu siiyay, balse hadda uu go’aan ku gaaray in doorashada la guda galo guddiguna ay dhexdooda is doortaan.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxuu Golaha uga warbixiyay socdaalkii uu dhawaan ku tagay magaalada London iyo shirkii caalamiga ee Waxbarashada ee uu ka qeyb galay iyo kulankii uu la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Britian Boris Johnson oo uu sheegay in miro dhal ay ahaayeen.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siisay xaaladihii u danbeeyey ee Caabuqa COVID-19 ee soo laba kacleeyey, kaa soo ay u dhinteen Muqdisho kaliya ilaa 5 qof oo afar ka mid ah ay ahaayeen haween, guud ahaan dalkana laga helay Cudurka 64 qof, iyadoo Wasaaradda ku baaqday feejignaan dheeri ah.

Shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiirada ayaa waxaa kaloo looga hadlay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka loogu geysanayo dalal dibadda ah in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay si dhow ula socoto lana dabagalo.

Golaha waxa uu gacantaag ku ansixyay Saddex arrimood oo kala ah.

▪ Siyaasadda Diiwaan_Galinta Madaniga iyo Istaatiitikada.

▪ Hishiis Iskaashi oo dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkey

▪ Siyaasadda Fasaxa Dhismaha Soomaaliyeed.

Previous Post

Xarunta Karantiilka Caabudwaaq oo la soo gaarsiiyay Qalab Caafimaad oo ay ku jiraan Meshiino casri ah “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka

Next Post
DAAWO: Wasiirka Caafimaadka oo bulshada fariimo cusub la wadaagtay

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka

Wasiirka Kalluumeysiga Iyo Dhaqaalaha Buluugga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Wasiirka Kalluumeysiga Iyo Dhaqaalaha Buluugga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Turkiga ee Soomaaliya

November 15, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xassan Aadan, oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka...

Dowladda Soomaaliya oo kordhisay saacadaha shaqada ee dekadda Muqdisho

Dowladda Soomaaliya oo kordhisay saacadaha shaqada ee dekadda Muqdisho

November 15, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa caawa si rasmi ah u daahfuray in...

Ra’iisul Wasaraaha XFS oo hoygiisa ku booqday Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi

Ra’iisul Wasaraaha XFS oo hoygiisa ku booqday Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi

November 15, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hoyga uu Muqdisho ka deggan yahay xalay ku...

Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay dayactirka iyo dhismaha xarumo caafimaad oo ku yaalla caasimadda

Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay dayactirka iyo dhismaha xarumo caafimaad oo ku yaalla caasimadda

November 15, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta ah si rasmi ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In