Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Maareynta Maaliyadda, Qorshaha ka hortaga Musuqmaasuqa iyo arrimo kale “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Maareynta Maaliyadda, Qorshaha ka hortaga Musuqmaasuqa iyo arrimo kale “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, Abriil 20, 2017—–Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Maareynta Maaliyadda, Amniga Qaranka, Xuquuqda Shaqaalaha, Qorshaha ka hortaga Musuqmaasuqa iyo arrimo kale.

Ugu horeyn Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada maareynta maaliyadda si shaqaalaha rayidka iyo ciidamada ay u helaan xaquuqdooda, isla markaasna loo labo jibaaro aruurinta canshuuraha, iyadoo lala dagaalaayo waxii musuqmaasuq ah ee jira. Warbixin dheer ka dib Golahu waxey isla garteen in si deg-deg ah loo mideeyo nidaamka dakhli uruurinta, si shaqo abuur loogu sameeyo dhallinyarada, in la sameeyo lacagtii shilin Soomaaliga iyo in maamul wanaag lagu saleeyo nidaamka dakhli uruurinta dalka.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Warbixinta amniga ayaa lagu sheegay in dhowaan uu bilaabanayo howlgal ciidan oo ka dhan ah kooxaha argagaxisada ah, iyadoo la diyaarinayo ciidanka isla markaasna laga howlgalayo sidii waddooyinka gobollada la isagu furi lahaa si shacabka loo gaarsiiyo gargaarka ay u baahan yihiin isla markaana loogu fududeyn lahaa isu socodka iyo ganacsiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin dheer ka bixiyey shirkii Madaxda Qaranka iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo uu sheegay in si wanaagsan la isagu afgartay dhammaan arrimihii laga hadlay ayna muuqato yididiilo iyo kalsooni wadashaqeyn buuxda leh. Waxaana la isla gartay in 3dii biloodba mar ay kulmaan, lagana wada howlgalo sugida amniga dalka oo dhan, iyadoo ciidanka la wada qarameyn doono dhowaan.

Wasiirka Shaqada & Horumarinta Bulshada ayaa warbixin dheer ka bixiyey xaalada shaqaalaha rayidka ah, iyadoo la qiray xaalada adag ee shaqaalahu ku howlgalaan, laguna ammaanay dulqaadkooda iyo howlkarnimadooda, ayaa golahu waxuu ballanqaaday in xaquuqda shaqaalaha laga howlgalo, iyadoo la hagaajinayo maamulka iyo maareynta shaqaalaha, si loo kordhiyo xirfadooda oo wax-soosaarkoodu kor u koco, oo dowladu ay hesho dakhli keeni kara in dhallinyarada loo sameeyo shaqo-abuur.

Wasiiru-Dowlaha Maaliyadda oo ka warbixiyey qorshaha ka hortaga Musuqmaasuqa ayaa sheegay in la diyaariyey nidaam looga hortagayo lunsashada hantida Qaranka, si loo joogteeyo mushaaraadka shaqaaalaha rayidka ah, in baaris iyo dabagal joogta ah lagu sameeyo sidii loo joojin lahaa musuqmaasuqa oo cidii lagu helo sharciga la horgeyn doono. Sidoo kale waxaa la isla gartay in wacyigelin baahsan la sameeyo oo bulshada looga digayo khatarta ay leedahay musuqmaasuqa si loo ciribtiro bulshada ay door uga qaadato. Hindise Sharciyeedka la dagaalanka Musuqmaasuqana waxaa lagu heshiiyey in la dardargeliyo oo la ansixiyo.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha ayaa ka warbixisay xaaladda Wasaaradda iyo booqashadii uu Guddoomiyaha Xiriirka Africa ku yimid Soomaaliya. Waxeyna u mahadcelisay dhammaan intii kaalinta wanaagsan ka qaadatay booqashada iyo labadii cisho ee uu joogay dalka, tanoo soo celisay sumacadii iyo karaamadii Isboortiga dalka, isla markaasna Guddoomiyaha Xiriirka FIFA uu isna soo booqan doono dalka.

Ugu danbeyntii Wasiirada Haweenka & Arrimaha Xaquuqul Insaanka ayaa warbixin ka bixisay qorshaha dhismaha Guddiga Xaquuqul Insaanka iyadoo la isla gartay in la dardargeliyo hirgelinta qorshaha dhismaha guddigan oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

–—DHAMMAAD—-

Previous Post

Fursado shaqo oo ka banaan Aqalka sare ee dalka

Next Post

Dhageeyso: Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha

Next Post
Dhageeyso: Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha

Dhageeyso: Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In