Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee Arimaha Doorashooyinka oo galay maalintii labaad

admin by admin
5 years ago
in Wararka
0
Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee Arimaha Doorashooyinka oo galay maalintii labaad
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa maalinkii labaad galay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka ee uu guddoominayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Shirka oo ayaa qeyb galayaan madaxda Dowlad-Goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, ayaa shalay ku bilowday jawi wanaagsan oo yididiilo leh, waxaana maanta sii socon doona wada hadallada la xiriira arrimaha muhiimka ah ee ku saabsan doorashooyinka dalka iyadoo laga amba qaadayo heshiiskii 17-kii September iyo soo jeedinnadii 16-kii February.

Related posts

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026

Ra’isul Wasaaraha wax uu doonayaa intii suuragal ah in la soo koobo qodobbada muhiimka ah ee ay madaxdu kaga xaajoonayaan kulamadoodu si xal ka gaaristoodu ay u fududaato iyada oo maanka lagu hayo isu tanaasul, is qancin walaaltinimo, ahmiyadda koowaadna la siinayo badbaadada shacabka Soomaaliyeed iyo dalka uu aado doorasho leysla ogol yahay oo dhaqso ku qabsoonto.

Kulamada Madaxdu waxa ay ku socdaan sidii Ra’isul Wasaaruhu u qorsheeyay oo ay ku jirto in mararka qaar hadii muhiim loo arko in Madaxdu ay ballamo gaar gaar ah sameystaan oo si hoose u wada hadlaan.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu ka mahadcelinayaa taageerada Shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta oo ay ku jiraan Midowga Murashaxiintu u muujiyeen dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee ku aaddan in heshiis laga gaaro sidiii dalku doorasho u aaddi lahaa sida ugu degdegta badan.

Afhayeenka xukumadda

Previous Post

kulan looga hadlaayey dardargalinta ololaha bilic-soocelinta oo lagu qabtay Dhuusomareeb.

Next Post

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo la kulmay Madaxa Amisom iyo Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika

Next Post
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo la kulmay Madaxa Amisom iyo Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo la kulmay Madaxa Amisom iyo Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

April 2, 2026
0

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee (GANHRI), oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Geneva, ayaa...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

April 2, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey aqoon isweydaarsi ku saabsan Qiimeynta Khatarta Musuqmaasuqa, kaas oo socday muddadii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In