Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Gollaha Wasiiradda oo lagu Ansixiyay Magacaabista Taliyeyaasha Ciidanka Boliiska, NISA iyo Asluubta “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Shirka Gollaha Wasiiradda oo lagu Ansixiyay Magacaabista Taliyeyaasha Ciidanka Boliiska, NISA iyo Asluubta “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, February 19, 2018—– Shirka Gollaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Sharciga Shirkaddaha iyo magacaabista taliyeyaasha Ciidanka Booliiska, Nabad sugidda iyo Asluubta.

Ugu horeyn Shirka gollaha ayaa looga dooday ansixinta shirciga shirkaddaha ee Soomaaliya, waxaana soo gudbiyay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaddaha, iyadoo dood dheer kadib ay golluhu meel mariyeen sharciga shirkaddaha Soomaaliya, waxaana uu fududeyn doonaa Nidaamka Diiwaangelinta shirkaddaha dalka ka howlgala iyo habka maalgashiga dalka.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Sidoo kale, shirka gollaha ayaa lagu meel mariyay magacaabista Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed, Taliyaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Xuseen Cismaan Xuseen, Taliyaha Ciidanka Asluubta S/guud Bashiir Maxamed Jaamac.

Gabagabadii kulanka ayaa looga hadlay ansixinta magacaabista Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Soomaaliya oo ay soo gudbisay Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, waxaana loo magacaabay Maareeyaha hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Cabdi Sheekh Axmad, waxayna hay’addani ka shaqeyn doontaa dhaqangelinta sharciga Isgaarsiinta iyo horumarinta Nidaamka guud ee Isgaarsiinta dalka.

–DHAMMAAD–

Previous Post

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka

Next Post

Cabinet endorses director of Somalia’s Communications Authority

Next Post
Cabinet endorses director of Somalia’s Communications Authority

Cabinet endorses director of Somalia’s Communications Authority

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In