Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Guddoomiyaasha Midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka oo lagu Ansixiyay qaraar ka hadlaya Xaaladda Soomaaliya.

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Shirka Guddoomiyaasha Midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka oo lagu Ansixiyay qaraar ka hadlaya Xaaladda Soomaaliya.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maalintii labaad waxaa Magaaladda Ouagadougou ‘’Waakadhuugu’’ ee Caasimadda Dalka Burkina Faso ka socda Kalfadhiga15-aad ee Midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka,waxaana maanta kulan gaar ah yeeshay guddiga qaabilsan Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Dibadda oo  ansixiyay 33-qaraar oo lasoo gudbiyay kulankii dhacay daba yaaqadii sanadkii 2018.

Soomaaliya oo shirkan qeyb ka aheyd waxaa ku matalayay Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris oo ka tirsan guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka iyo Xoghayaha guud ee golaha shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi ‘’Buux’’ waxaana Soomaaliya qaraaradan la ansixiyay ka quseeya qaraarka  NO:15-PRF/15-CONF oo ka hadlaya xaaladda Soomaaliya gaar ahaan horumaradda kala duwan ee dalka ka socda iyo sidoo kale dadaaladda ay wado Dowladda Soomaaliya.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026

Dhinaca kale qaraarkan waxa uu ku baaqayaa in dhamaan dowladaha xubnaha ka ah midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka iyo guud ahaan beesha caalamka ay sii xoojiyaan taageerada ay siinayaan Dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale in laga faa’ideysto fursadaha maalgashi ee xiligan ka banaan Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa jira dhowr qaraar oo wada taabanaya ama khuseeya inta badan dalalkan oo ay ka mid yihiin in guud ahaan dalalkan midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka ay meel uga soo wada jeestaan talaabo walba oo sharci dara ah oo lagu cuna qabateynaayo wadamada Islaamka,qaraar ka hadlaya dhibaatooyinka Tahriibka iyo Qaxootiga ee caalamka Islaamka, iyo qaraar ku saabsan sidii loo taageeri lahaa muslimiinta ku nool wadamada looga tirada badanyahay.

Sidoo kale waxaa shirkan barbar socday shirka 8-aad guddiga joogtada ah ee Arrimaha Dhaqanka, Qaanuunka,dooda,Ilbaxnimada iyo Diimaha oo ay ka qeyb galeen wakiilo ka socda Dowladaha Carabta,Asia iyo Afrika.

Waxyaabaha looga hadlayna waxaa ka mid ah ilaalinta iyo difaaca Goobaha barakeysan ee wadamada Islaamka oo ay ku jiraan goobaha cibaadada gaar ahaan ilaalinta Masjidka Barakeysan ee Qudus.

 

Previous Post

Dhageyso: Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Maamulka Bangiga dhexe oo Faahfaahin ka bixiyey Dabkii Xalay ka kacay Qeyb kamid ah Bangiga.

Next Post
Maamulka Bangiga dhexe oo Faahfaahin ka bixiyey Dabkii Xalay ka kacay Qeyb kamid ah Bangiga.

Maamulka Bangiga dhexe oo Faahfaahin ka bixiyey Dabkii Xalay ka kacay Qeyb kamid ah Bangiga.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda dalka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In