Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen rooble ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socdo magaalada muqdisho ka furmo Shirka madasha iskaashiga ee Partnership Forum, kaasi oo ay ka qeyb-galayaan madaxda dowladda, Dowlad Goboleedyada iyo Xubno ka tirsan beesha caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya.
Shirka oo ku qabsoomi doono dhinaca Internet-ka ee Aalada Zoomka ayaa waxaa uu ajandihiisu yahay ka hadlida Arrimaha doorashooyinka, Amniga, sii wadida dib-u-habeynta garsoorka ganacsiga dhaqaalaha, horumarka xagga deynta cafinta laga gaaray iyo kasoo kabashada duufaan ku dhufatay meel kamid ah dalka.
Shirka ayaa waxaa khudbado ka jeedin doona, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Xubnaha beesha caalamka oo ay kamid yihiin Wakiilka QM ee Somalia James Swan, Wakiilka Midowga Afrika, Danjire Francisco Madeira.
Sidoo kale Xubnaha dhinaca dowladda ee shirka ka qeyb-galaya ayaa waxaa kamid ah, Ra’iisul Wasaare Rooble, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Guuleed, & Wasiirada, gaashaandhigga, Amniga, Cadaaladda, Dastuurka, Haweenka & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo yareey.