Monday, September 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya oo lasoo xiray

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
December 9, 2024
in Wararka
0
Shirka Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya oo lasoo xiray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkan oo muddo labo maalin ah ka socday magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay Muhiimada Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya iyo sidii loo mideyn lahaa Fariimaha Dowladda iyo Maamulada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Shirkaan waxaa soo agaasintay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, waxaana Furintaankiisa ka hadlay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda ahna ku simaha Wasiirka Mudane Cabdirahmaan Yuusuf Al-Cadaala, isaga oo sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay xoogga saartay sidii loo mideyn lahaa fariimaha Dowladda iyo jihaynta shacabka Soomaaliyeed, isla markaana laga gaaray guulo wax ku ool ah.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Turkiga

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Turkiga

September 15, 2025
Dardargelinta mashruuca SHIIP oo laga hadlay

Dardargelinta mashruuca SHIIP oo laga hadlay

September 15, 2025

Maalinkii koowaad ee Shirka waxaa aad loo faaqiday saddex dood oo kala ahaa Maareynta muhiimada Xiriirka Warbaahinta Xilligan Casriga ah, hagaajinta iyo Mideynta fariimaha hay’addaha kala duwan ee Dowladda iyo Fududeynta Xaqa Xog Helista Warbaahinta iyo Dadweynaha.

Doodahaan waxaa ka qeyb galay Madax ka tirsan hay’addaha kala duwan ee dowladda, khubarro dhinaca Warbaahinta ah, Siyaasiyiin iyo xiriirka dadweynaha, xafiisyada Warfaafinta dowladda Federaalka, dowladaha xubnaha ka ah, wariyayaal iyo qeybaha kale ee bulshada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa tilmaamay in ay madashan tahay fursad ay ku wada hadlaan dowladda, Warbaahinta iyo dadweynaha si loo xoojiyo wacyi-galinta dadweynaha iyo kor u qaadista daah furnaanta dowladda.

Mustaf Yaasiin Sheekh Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo furitaanka ka hadlay ayaa sheegay in madashan ay ahmiyad weyn siinayso isku xirka xiriirka Warbaahinta iyo kor u qaadista wada xiriirka Hay’adaha dowladda, Warbaahinta iyo dadweynaha.

Maanta oo shirka lasoo xiray, waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiro ka tiran Dowladda Faderaalka Soomaaliya, Wakiilada Maamul goboleedyada, Maamulka G/Banaadir, Warbaahinta, Bulshada Rayidka iyo Saaxiibada Caalamka, si loo xoojiyo iskaashiga Warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha.

Dadka maanta ka qeyb galay shirka waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Qorshaynta XFS Maxamuud Beenebeene, Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali, Wasiirka Qoyska Bashiir Maxamed Jaamac Goobe, Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala, madax ka tirsan dowlad goboleedyada, gobolka Banaadir, wakiillo ka socda beesha caalamka iyo marti kale.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa shirka ka sheegay in Warbaahintu door muhiim ah ka qaadatay dagaalka dalka looga xoreynayo khawaarijta “Guulaha laga gaaray Dagaalka Khawaarijta, Warbaahinta waxay ka qaadatay door muhiim ah, waxaa lasoo bandhigay Boobka iyo Dullaysiga Khawaarijtu ku haysay Bulshadii laga xoreeyay” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Wasiirka Isgaarsiinta Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macalin, ayaa xusay in shirkaan oo muhiim u ahaa midaynta fariimaha Dowladda si isku mid loogu wajaho dagaalka Khawaarijta wuxuuna intaa ku daray ”Inaga oo kaashanayna Wasaaradda Warfaafinta Waxaan meesha ka saarnay kumanaan Akoonno Baraha Bulshada Khawaarijtu ku marin habaabinaysay Dadkeena”.

Sidoo kole Wasiirka Qorshaynta Xukuumada Maxamuud Cabdirahman Beenebeene oo Madasha ka hadlay yaa faahfaahin ka bixiyay sida uu dowlad dhiska iyo horumarka dalka muhiim ugu yahay Qorshaha Horumarinta Qaranka oo mudooyinkii lasoo dhaafay ka socday Teendhada Afisyoone.

Masuuliyiintii goobta ka hadashay waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Qoyska iyo Xaquuqul Insaanka Mudane Bashiir Maxamed Jaamac Goobe. Waxaa uu xusay in warbaahintu door muhim ah ku leedahay Midnimada iyo wadajirka Dadka Soomaaliyeed “Qofka waxay masuuliyad ka saran tahay ilaalinta Xuquuqda, warbaahintana waxaan ku boorinaynaa inaysan waxyeelayn mideynta Bulshadeena”

Gunnaanadkii waxaa Madasha ka hadlay Wakiilada ka socday sida Wakiilka ATMIS ee Soomaaliya wuxuu yiri “Horumarinta iyo midaynta xiriirka Warbaahinta waxay muhiim u tahay ka hortagga been abuurka Khawaarijtu ay ku marin habaabinayaan bulshada”

Ari Gaitnis oo ka socday xafiiska Qaramada Midoobay ayaa isna sharaxamay muhiimda Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya ” Istiraatiijiyadda xiriirka aad ayay muhiim inoogu tahay, ka UN ahaan maadaama dadka Soomaaliyeed aan ka taageerno dhinacyo badan, waana talaabo horumar horseedi karta” ayuu ku daray hadalkiisa.

Dood ku saabsan la dagaalanka Xagjirnimada ayaa lagu soo xiray doodihii Madasha oo ahayd tii ugu horeysay ee Istiraatiyadda Xiriirka Warbaahinta.

Ku-simaha Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdinaasir Xuseen Xasan ayaa uga dambeyn xiritaanka u mahadceliyay qeybaha bulshada, madaxda hay’adaha dowladda Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah, Bahda saxaafadda iyo saaxiibadda Caalamka ee ka qeyb galay Madasha.

Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya ee maanta lasoo xiray oo ay qabashadeeda Wasaaradda uu ka taageeray Hawlgalka ku meel gaarka ah ee Qaramada midoobay l UNTMIS ayaa filashadeedu tahay inuu horseed u noqdo Jihaynta Bulshada ee Dowlad dhiska, mideynta Fariimaha iyo sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga Bulshadeena.

Previous Post

Dowladda oo cambaareysay falalka gurracan ee Itoobiya ay ka waddo xuduudaha dalkeenna

Next Post

Danjire Ilyaas oo kormeeray hantida ma-guurtada ah ee ay Soomaaliya ku leedahay Tanzania

Next Post
Danjire Ilyaas oo kormeeray hantida ma-guurtada ah ee ay Soomaaliya ku leedahay Tanzania

Danjire Ilyaas oo kormeeray hantida ma-guurtada ah ee ay Soomaaliya ku leedahay Tanzania

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Turkiga

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Turkiga

September 15, 2025
0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qaybgalaya Shirwaynaha Dowladaha Carabta iyo Islaamka ee ka socda magaalada...

Dardargelinta mashruuca SHIIP oo laga hadlay

Dardargelinta mashruuca SHIIP oo laga hadlay

September 15, 2025
0

Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeynta ayaa maanta lagu qabtay kulanka bilaha ah ee u dhexeeya Wasiirka Wasaaradda iyo hawl-wadeenada...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku soo bandhigay Shirka Carabta mowqifka Soomaaliya ee ka dhan ah xadgudubyada Israa’iil ee dalalka Carabta

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku soo bandhigay Shirka Carabta mowqifka Soomaaliya ee ka dhan ah xadgudubyada Israa’iil ee dalalka Carabta

September 15, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey shir-madaxeedka degdegga ah Dowladaha Carabta iyo Islaamka oo...

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

September 15, 2025
0

Waxaa maanta Muqdisho ka furmay Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo ay soo agaasintay Hay’adda Taya-dhawrka Qaranka.   Shirkan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In