Tuesday, September 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya oo lasoo xiray

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Shirka Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya oo lasoo xiray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkan oo muddo labo maalin ah ka socday magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay Muhiimada Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya iyo sidii loo mideyn lahaa Fariimaha Dowladda iyo Maamulada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Shirkaan waxaa soo agaasintay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, waxaana Furintaankiisa ka hadlay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda ahna ku simaha Wasiirka Mudane Cabdirahmaan Yuusuf Al-Cadaala, isaga oo sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay xoogga saartay sidii loo mideyn lahaa fariimaha Dowladda iyo jihaynta shacabka Soomaaliyeed, isla markaana laga gaaray guulo wax ku ool ah.

Related posts

Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

September 15, 2026
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐–๐š๐ฑ๐›๐š๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐ฎ ๐๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐ง๐ช๐š๐š๐๐š๐ฒ ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ ๐Š๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ž ๐Š๐š ๐†๐š๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐“๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง ๐๐ฎ๐ซโ€™๐š๐š๐ง ๐จ๐จ ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข ๐š๐ก

Maalinkii koowaad ee Shirka waxaa aad loo faaqiday saddex dood oo kala ahaa Maareynta muhiimada Xiriirka Warbaahinta Xilligan Casriga ah, hagaajinta iyo Mideynta fariimaha hayโ€™addaha kala duwan ee Dowladda iyo Fududeynta Xaqa Xog Helista Warbaahinta iyo Dadweynaha.

Doodahaan waxaa ka qeyb galay Madax ka tirsan hayโ€™addaha kala duwan ee dowladda, khubarro dhinaca Warbaahinta ah, Siyaasiyiin iyo xiriirka dadweynaha, xafiisyada Warfaafinta dowladda Federaalka, dowladaha xubnaha ka ah, wariyayaal iyo qeybaha kale ee bulshada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa tilmaamay in ay madashan tahay fursad ay ku wada hadlaan dowladda, Warbaahinta iyo dadweynaha si loo xoojiyo wacyi-galinta dadweynaha iyo kor u qaadista daah furnaanta dowladda.

Mustaf Yaasiin Sheekh Maareeyaha Hayโ€™adda Isgaarsiinta Qaranka oo furitaanka ka hadlay ayaa sheegay in madashan ay ahmiyad weyn siinayso isku xirka xiriirka Warbaahinta iyo kor u qaadista wada xiriirka Hay’adaha dowladda, Warbaahinta iyo dadweynaha.

Maanta oo shirka lasoo xiray, waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiro ka tiran Dowladda Faderaalka Soomaaliya, Wakiilada Maamul goboleedyada, Maamulka G/Banaadir, Warbaahinta, Bulshada Rayidka iyo Saaxiibada Caalamka, si loo xoojiyo iskaashiga Warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha.

Dadka maanta ka qeyb galay shirka waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Qorshaynta XFS Maxamuud Beenebeene, Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali, Wasiirka Qoyska Bashiir Maxamed Jaamac Goobe, Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala, madax ka tirsan dowlad goboleedyada, gobolka Banaadir, wakiillo ka socda beesha caalamka iyo marti kale.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa shirka ka sheegay in Warbaahintu door muhiim ah ka qaadatay dagaalka dalka looga xoreynayo khawaarijta โ€œGuulaha laga gaaray Dagaalka Khawaarijta, Warbaahinta waxay ka qaadatay door muhiim ah, waxaa lasoo bandhigay Boobka iyo Dullaysiga Khawaarijtu ku haysay Bulshadii laga xoreeyayโ€ ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Wasiirka Isgaarsiinta Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macalin, ayaa xusay in shirkaan oo muhiim u ahaa midaynta fariimaha Dowladda si isku mid loogu wajaho dagaalka Khawaarijta wuxuuna intaa ku daray โ€Inaga oo kaashanayna Wasaaradda Warfaafinta Waxaan meesha ka saarnay kumanaan Akoonno Baraha Bulshada Khawaarijtu ku marin habaabinaysay Dadkeenaโ€.

Sidoo kole Wasiirka Qorshaynta Xukuumada Maxamuud Cabdirahman Beenebeene oo Madasha ka hadlay yaa faahfaahin ka bixiyay sida uu dowlad dhiska iyo horumarka dalka muhiim ugu yahay Qorshaha Horumarinta Qaranka oo mudooyinkii lasoo dhaafay ka socday Teendhada Afisyoone.

Masuuliyiintii goobta ka hadashay waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Qoyska iyo Xaquuqul Insaanka Mudane Bashiir Maxamed Jaamac Goobe. Waxaa uu xusay in warbaahintu door muhim ah ku leedahay Midnimada iyo wadajirka Dadka Soomaaliyeed โ€œQofka waxay masuuliyad ka saran tahay ilaalinta Xuquuqda, warbaahintana waxaan ku boorinaynaa inaysan waxyeelayn mideynta Bulshadeenaโ€

Gunnaanadkii waxaa Madasha ka hadlay Wakiilada ka socday sida Wakiilka ATMIS ee Soomaaliya wuxuu yiri “Horumarinta iyo midaynta xiriirka Warbaahinta waxay muhiim u tahay ka hortagga been abuurka Khawaarijtu ay ku marin habaabinayaan bulshada”

Ari Gaitnis oo ka socday xafiiska Qaramada Midoobay ayaa isna sharaxamay muhiimda Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya ” Istiraatiijiyadda xiriirka aad ayay muhiim inoogu tahay, ka UN ahaan maadaama dadka Soomaaliyeed aan ka taageerno dhinacyo badan, waana talaabo horumar horseedi karta” ayuu ku daray hadalkiisa.

Dood ku saabsan la dagaalanka Xagjirnimada ayaa lagu soo xiray doodihii Madasha oo ahayd tii ugu horeysay ee Istiraatiyadda Xiriirka Warbaahinta.

Ku-simaha Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdinaasir Xuseen Xasan ayaa uga dambeyn xiritaanka u mahadceliyay qeybaha bulshada, madaxda hayโ€™adaha dowladda Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah, Bahda saxaafadda iyo saaxiibadda Caalamka ee ka qeyb galay Madasha.

Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya ee maanta lasoo xiray oo ay qabashadeeda Wasaaradda uu ka taageeray Hawlgalka ku meel gaarka ah ee Qaramada midoobay l UNTMIS ayaa filashadeedu tahay inuu horseed u noqdo Jihaynta Bulshada ee Dowlad dhiska, mideynta Fariimaha iyo sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga Bulshadeena.

Previous Post

Dowladda oo cambaareysay falalka gurracan ee Itoobiya ay ka waddo xuduudaha dalkeenna

Next Post

Danjire Ilyaas oo kormeeray hantida ma-guurtada ah ee ay Soomaaliya ku leedahay Tanzania

Next Post
Danjire Ilyaas oo kormeeray hantida ma-guurtada ah ee ay Soomaaliya ku leedahay Tanzania

Danjire Ilyaas oo kormeeray hantida ma-guurtada ah ee ay Soomaaliya ku leedahay Tanzania

Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

September 15, 2026
0

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Arrimaha Baniโ€™aadannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskooda ugu...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐–๐š๐ฑ๐›๐š๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐ฎ ๐๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐ง๐ช๐š๐š๐๐š๐ฒ ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ ๐Š๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ž ๐Š๐š ๐†๐š๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐“๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง ๐๐ฎ๐ซโ€™๐š๐š๐ง ๐จ๐จ ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข ๐š๐ก

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐–๐š๐ฑ๐›๐š๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐ฎ ๐๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐ง๐ช๐š๐š๐๐š๐ฒ ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ ๐Š๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ž ๐Š๐š ๐†๐š๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐“๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง ๐๐ฎ๐ซโ€™๐š๐š๐ง ๐จ๐จ ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข ๐š๐ก

September 15, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiska ku qaabilay saddexda ardey ee kaalimaha hore ka...

Kormeerka Adeegyada Caafimaadka iyo Biyaha ee Wisil

Kormeerka Adeegyada Caafimaadka iyo Biyaha ee Wisil

September 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug Cabdullaahi Maxamed Daahir oo ay wehliyaan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Daahir Faarax Fiidoow...

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada  Urur-Goboleedka IGAD

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada Urur-Goboleedka IGAD

September 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka qayb galay Kalfadhiga 74-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In