Tuesday, September 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka madasha wadajir ee hannaanka Qaran oo ka fumar Muqdisho

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Shirka madasha wadajir ee hannaanka Qaran oo ka fumar Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka Madasha Wadajir ee hannaanka Qaran Dowladaha hoose oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa Maanta ka fumar Magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka socda Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo Haweenka Dowlad Goboleedyada Dalka iyo federaalka, maamulka Gobolka Banaadir, Guddiyada Qaxootiga iyo barakacayaasha heer  Qaran iyo heer Dowlad Goboleed.

Related posts

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

September 14, 2026
Wasiirka  Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

September 14, 2026

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, Isaaq Maxamed Maxamuud , oo furay shirka madasha wadajir ayaa sheegay in muhiimadda madashani oo Saddexdii Bil mar kulanta ay tahay horumarinta adeegyada Bulshada iyo dhismaha golayaasha degaanka, waxana sidoo kale Ajendaha ka mid ah xal u helidda arrimaha barakacaayaasha.

Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle, ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin ka qeyb galka madasha 13-aad hannaanka Qaran ee Dowladaha hoose ee wadajir, isagoo sheegay in ay wadaan dedaallo la xiriira sidii horay loogu socodsiin lahaa dhismaha golayaasha degaanka Degmooyinka Hirshabeelle.

Wasiirka dib u heshiisiinta Hirshabeelle Injineer; Cabdikariin Cali Nuur,  ayaa sheegay in ay dib u heshiisiintu tahay saldhigga dhismaha golayaasha degaanka iyo xal u helidda caqabadaha ku hor gudban.

Wasiirka arrimaha gudaha Koofur Galbeed , Maxamed Abuukar , ayaa isna sheegay in ay wax badan ka qabteen dhismaha golayaasha degaanka , isagoo xusay in ay dhowaan daah-fureen dhismaha golayaasha degaanka Ceel-Barde , isagoo sheegay in ay horay usoo dhiseen galayaasha degaanka ee Xuddur iyo Berdaale, Haweenkuna ay door fiican ka siiyeen.

Cabdisamad Garoon (Abdow Garoon) oo horkacaya wafdiga Wasaaradda arrimaha gudaha ee Jubbaland , ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan madashan iyo in ay iska waraystaan wixii uga qabsoomay xaslilinta , xal u helidda arrimaha bara-kacayaasha iyo dhismaha golayaasha degaanka.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska +Sawirro

Next Post

Guddoomiyaha golaha Shacabka oo Magacaabay Guddiga ku meelgaarka ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka

Next Post
Guddoomiyaha golaha Shacabka oo Magacaabay Guddiga ku meelgaarka ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka

Guddoomiyaha golaha Shacabka oo Magacaabay Guddiga ku meelgaarka ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

September 14, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Kuuriya u fadhiya Kenya iyo Soomaaliya ahna Mudane Kang Hyung-Shik, ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya...

Wasiirka  Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

September 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee...

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

September 14, 2026
0

Waxaa Soomaaliya laga hirgelinayaa qorshe cusub oo lagu taageerayo ganacsatada yar-yar ee Soomaaliyeed, kaas oo diiradda saaraya sidii loo fududeyn...

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

September 14, 2026
0

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ee BJFS, oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah, ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In