Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka New Deal oo lagu wado in saacadaha soo socda uu ka furmo Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Xoojinta amniga degmada Xamarweyne oo laga shiray “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka caalamiga ah oo looga hadlayo Hiigsiga 2016 ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta uu ka furmo magaalada Muqdisho, kaasi oo wadajir ay u shir gudoominayaan Madaxweynaha dalka iyo Ergayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Shirka ayaa daba socda kii lagu qabtay magaalada Copenhagen ee dalka Denmark oo bishii November ee sanadkii hore, kaasi oo looga hadlay hiigsiga 2016, waxaana sidoo kale diirada lagu saarayaa waxa ka qabsoomay shirkii hore iyo sida loo maareyn karo howlaha horyaalla dowladda.

Related posts

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026

Afhayeenka Madaxweytooyada Qaranka Mudane Daa’uud Aweys ayaa sheegay in ujeedada shirkaan ay tahay in dib u eegis lagu sameeyo wixii ka qabsoomay Hiigsiga cusub iyo waxa hadda horyaalla Dowladda Federaalka iyo taageerayaasha Beesha Caalamka.

“Shirka waxa uu socon doonaa muddo labo cisho ah, Madaxweynaha iyo Ergeyga Qaramada Midoobay ayaa shir guddoominaya, waxa uu daba socdaa kii lagu qabtay Copenhagen, waa markii ugu horeysay ee shir nuucaasi ah oo lagu qabto gudaha dalka, arrimaha ugu muhiimsan ayaa ah waxyaabihii ka qabsoomay shirkii hore” ayuu yiri Daa’uud Aweys.

Afhayeenka ayaa xusay in shirkan uu xigi doonaa shir kale oo ka dhici doona Dalka Kenya kaasi oo lagu dhameystirayo heshiis 2015, u dhaxeeyay Kenya iyo Soomaaliya oo ku saabsanaa ammaanka, siyaasadda iyo dhaqaalaha , waxaana shirka qeybtiisa hore kulmaya guddiyo farsamo oo labada dhinac ah, kaasi oo ugu dambeyn uu shirkaasi ku biiri doono Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo dhameystiraya waxyaabihii ay gudiyada ku heshiiyeen.

Shirkii Copenhagen  oo ay ka qeybgaleen 50 Dowladood iyo Ururo isugu jira ayaa waxaa lagu bogaadiyay horumarka Dowladda ay ka sameysay howllgalada, arrimaha Maaliyada, iyada oo la isla gartay in si wadajir ah looga qeyb qaato horumarada gogal xaarka ah hiigsiga 2016.

Previous Post

Dalada Haweenka Hurumarinta Saxaafadda Soomaaliyeed oo Tacsi u dirtay Saxafiyiinti ku geeriyootay qaraxii jazeera,

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Howlgalka Seefta Aamusan ayaa suurta geliyay in Khawaarijta Al-shabaab looga saaro deegaanno badan muhiin oo ka tirsan gobollada Dalka....

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In