Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka qiimeynta Waxqabadka Warfaafinta XFS oo maanta la soo gabagabeynayo+Sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Shirka qiimeynta Waxqabadka Warfaafinta XFS oo maanta la soo gabagabeynayo+Sawirro

dav

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka qiimeynta iyo jiheynta qorshaha Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ee labadii maalin ugu dambeysay ka socday magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in maanta la soo gabagabeeyo.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Shirkan oo ah mid lagu qiimeynayo waxyaabihii u qabsoomay Wasaaradda Warfaafinta sanadkii la soo dhaafay ee 2018-ka iyo qorshaha u degsan sanadkan 2019-ka ayaa mudada laboo cisho ee la soo dhaafay diirada lagu saaray waxqabadka Waaxyaha Wasaaradda Warfaafinta iyo in shaqada hadda socoto loo diyaariyo waxa asalka ah si loogu fur-furnaado shaqada Wasaaradda warfaafinta loo igmaday.

Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Axmed Xuseen oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in labadii cisho ee ugu horeeyay shirka looga hadlay sidii Waxqabadka waaxyaha Wasaaradda loo qiimeyn lahaa loona dar dar gelin lahaa howlaha socda.

Sidoo kale,Agaasime Cabdiraxmaan Axmed Xuseen ayaa xusay in qorshaha maanta ee kulanka looga hadlayo ay tahay qorshaha sanadka 2019-ka ay Wasaaradda Warfaafinta degsatay sidii dib u eegis loogu sameyn lahaa iyo sidii waxqabadka Dowladda loogu soo bandhigi lahaa Shacabka Soomaaliyeed.

Shirkan oo 16-kii bishan furmay ayaa waaxyaha qaar ee Wasaaradda Warfaafinta waxay ku soo bandhigeen howlahooda shaqo ee hadda iyo kan mustaqbalka u degsan iyo sidii loo gaari lahaa halbeegyada u ah Waaxyaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumaadda Soomaaliya,waxaana lagu wadaa in maanta la soo gabagabeeyo.

dav
dav
dav
dav
Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo ka tacsiyadeeyay dadkii maleeshiyada Al-Shabaab ku laayeen deegaanka Goof-gaduud

Next Post

Wejigii 1-aad ee dib u dhiska Garoonka Diyaaradaha Jowhar oo la soo geba gebeeyey+sawirro

Next Post
Wejigii 1-aad ee dib u dhiska Garoonka Diyaaradaha Jowhar oo la soo geba gebeeyey+sawirro

Wejigii 1-aad ee dib u dhiska Garoonka Diyaaradaha Jowhar oo la soo geba gebeeyey+sawirro

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In