Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Sedax billaha ah ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo ka furmay Garoowe.+SAWIRRO

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Shirka Sedax billaha ah ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo ka furmay Garoowe.+SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne ku-xigeynka Dowlad Goboleedka Puntland C/xakiin Cumar Cameey iyo Agaasimaha Guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda G/Sare Maxamed Adan Koofi ayaa maanta magalada Garoowe si wada jir ah uga furay Shirka Sedax billaha ah ee Hay’adda Socdaalka oo markii ugu horeysay Garowe lagu qabtay.Agaasimaha guud Hay’adda Socdaalka ayaa sheegay in uu bilowday shirar sedax bilaha ah oo ay Hay’adda ku qabaneyso xarumaha ay ku leedahay laamaha dowlad goboleedyada, isagoo intaa raaciyay in magalaada Garoowe ay nasiib u heshay in shirkii ugu horeyay lagu qabto.

Madaxweyne ku xigeynka  Dowlad Goboleedka Puntland C/xakiin Cumar Cameey ayaa sheegay in howl wanagsan ay ka socoto Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadd, shirka maanta Garoowe ka furmayna u yahay mid la iskula xisaabtamayo waxyaabihii qabsoomay sedaxdii bilood ee la soo dhaafay iyo caqabada lala kulmay, isagoo intaasi ku daray in arintaasi ay tahay muuqaalka lagu yaqaanno nidaamka dowladnimada.

Related posts

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026

Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen agaasimayaasha laamaha Hay’adda ee dowlad goboleedyada dalka ayaa socon doona muddo labo cisho ah, iyadoo looga hadli doono waxyaabihii u qabsoomay hay’adda iyo caqabadaha lala kulmay.

Previous Post

DAAWO:- Barnaamijka DOOD FURAN Oo Aynu Isugu Keennay Guddoonka Golaha Shacabka iyo Bulshada

Next Post

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo kulan wadatashi ah la yeelatay Maamulka Gobolka Banaadir”Sawirro

Next Post
Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo kulan wadatashi ah la yeelatay Maamulka Gobolka Banaadir”Sawirro

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo kulan wadatashi ah la yeelatay Maamulka Gobolka Banaadir"Sawirro

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Janaraal Xasan Dhicisow, ayaa gaaray deegaanka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa booqasho kormeer ah ku tagay degmada Matabaan ee...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

January 8, 2026
0

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu qabtay munaasabad lagu dhiirrigelinayay saraakiisha booliska...

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

January 8, 2026
0

Culimada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa si adag u cambaareeyay faragelinta qaawan ee ay YH-da Israa’11l ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In