Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Todobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka Banaadir oo looga hadlay Amniga, Bilicda iyo Barnaamijka Is-xilqaan “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Shirka Todobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka Banaadir oo looga hadlay Amniga, Bilicda iyo Barnaamijka Is-xilqaan “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, Oktoobar 31 2018– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo guddoomiyey kulanka todobaad-laha ah ee Maamulka Gobolka ayaa faray Maamullada Degmooyinka dar-dargelinta Nadaafadda Caasimadda.

 

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Kulanka Todobaadlaha ah ayaa waxaa sidoo kale lagaga hadlay xoojinta wada shaqeynta laamaha ammaanka iyo Maamulka Degmooyinka, iyadoo laga dhageystay Guddoomiyeyaasha warbixinno la xiriira Amniga.

Guddoomiye Ku-xigeennada Gobolka iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka ayaa soo bandhigay warbixinno ku saabsan amniga, arrimaha bulshada, nadiifinta gooobihii uu biyaha dhigay Roobka iyo dib-u-casriyeynta Nalalka Caasimadda oo kuwii hore lagu badelayo nalal la jaan-qaadaya Caasimadaha Caalamka, iyadoo mashruucan wajigiisa koowaad uu ka socdo wadada Makkah Almukarama ilaa iyo Garoonka Aadan Cadde.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay iyadoo laga duulayo waajibaadka ka saaran ilaalinta nadaafadda deegaanka in la bilaabay qorshe dib loogu habeynta nidaamkii hore ee Nadaafadda Caasimadda, isla markaana ay si tijaabo ah muddo saddex bilood ah uga wada howlgeli doonaan saddexda degmo ee Shibis, Wadajir iyo Waaberi iyagoo iskaashanaya Maamulka iyo Shirkadda Qashinka ee ECCO, si xal maangal ah loogu helo caqabadaha hortaagan guul ka gaarista nadaafadda.

Sidoo kale, Shirka ayaa looga hadlay Barnaamijka is-xilqaan ee lagu dhisayo dalka, gaar ahaan howllaha ka soconaya Golaha Murtida iyo Madadaalada, Madbacadda Qaranka, Madxafka iyo Garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Guddoomiye-xigeennada Arrimaha Amniga iyo Siyaasadda, Arrimaha Bulshada, Howllaha Guud iyo Xog-hayaha Gobolka Banaadir.

 

-DHAMMAAD-

Previous Post

Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta oo xubnaha ITU ka codsaday inay taageeraan Qaraarka khuseeya Soomaaliya

Next Post

Gaalkacyo: Barakacayaal ka cabanaya dhibaatooyin xagga nolosha ah

Next Post
Dhageyso:  Hay’adda Qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka oo faah faahin ka bixisay Xaaladd Barakacayaasha

Gaalkacyo: Barakacayaal ka cabanaya dhibaatooyin xagga nolosha ah

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In