Monday, January 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Wada-tashiga Qorshe howleedka 2021-2022 oo ka furmay Baydhabo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Shirka Wada-tashiga Qorshe howleedka 2021-2022 oo ka furmay Baydhabo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maantay ka daah-furtay Magaalada Baydhabo Shirka wada-tashiga qorshe howleedka 2021-2022 ee Istaraatiijiyadda Qaran ee Xalka Waara ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed .

Wada-tashiga oo socon doonna muddo saddex cisho ah waxaa diirradda lagu saarayaa diyaarinta qorshe howleedka Istaraatijiyada xalka waara ee dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Soomaaliya, waxaana ka soo qayb galay masuuliyiin ka socda; Wasaaradda Qorsheynta Qaranka , masuuliyiin ka socda Urur gobaleedka IGAD iyo xubno ka socda wasaaraddaha iyo hay’adaha ay quseeyso xalka waara.

Related posts

𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐎𝐁𝐎𝐋𝐊𝐀 𝐁𝐀𝐍𝐀𝐀𝐃𝐈𝐑 𝐎𝐎 𝐗𝐀𝐑𝐈𝐆𝐆𝐀 𝐊𝐀 𝐉𝐀𝐑𝐀𝐘 𝐃𝐔𝐆𝐒𝐈𝐆𝐀 𝐆𝐀𝐁𝐃𝐇𝐀𝐇𝐀 𝐃𝐀𝐑𝐌𝐎𝐎𝐋𝐄𝐘

𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐎𝐁𝐎𝐋𝐊𝐀 𝐁𝐀𝐍𝐀𝐀𝐃𝐈𝐑 𝐎𝐎 𝐗𝐀𝐑𝐈𝐆𝐆𝐀 𝐊𝐀 𝐉𝐀𝐑𝐀𝐘 𝐃𝐔𝐆𝐒𝐈𝐆𝐀 𝐆𝐀𝐁𝐃𝐇𝐀𝐇𝐀 𝐃𝐀𝐑𝐌𝐎𝐎𝐋𝐄𝐘

January 19, 2026
Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka

Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka

January 19, 2026

Shirka wada-tashiga ayaa lagu gorfayn doonaa wax ka qabashada mushaakilaadka kala duwan ee dabiiciga ah sida abaaraha, Colaadaha iyo fatahaadaha oo ah kuwa sababa in dadku barakacaan.

Agaasiamayaasha Guud ee Wasaaradaha Qorsheynta Mudane Isaaq Mohamud Mursal ayaa soo dhaweyay daddaalada uu wado Xafiiska Xalka waara ee Wasaaradda qosheynta xalinta mushkiladaha ku saabsan barakaca iyo qaxootiga ku dhibaataysan deegganada Maamulka.

Marwo Zahra Cabdi Maxamed Agassimaha Xafiiska Xalka waara ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka waxa ay hoosta ka xariiqday doorka dowladda Soomaaliya ee Istaraajiyadan iyo dar dargalinta howsha ay qeyb ka yahiin dowlad gobaleedyada sidii loo xoojin lahaa natiijo fiicanna looga gaari lahaa.

“Waxaan u soo gaarnay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed si aan KGS la diyaarino Qorshe Hawleed sanadle ah oo ku salaysan Istaraajiyada Qaran ee Xalka Waara. Qorshahaan oo taaban doona ahmiyadaha ugu waaweyn ee arrimaha xalka waara ee gobolka. Barnaamijka diyaarinta qorshe hawleedka sanad laha ah waxaan soo wadnay saddexdii bilood ee u dambeeyey, Koonfur Galbeedna waxay noqon doontaa maamulkii afraad ee aan booqano. Mudada saddexda cisho ah ee aan wada joogno waxaan rajaynayaa in qorshe rasmi ah oo guul looga gaari karo arrimaha Xalka Waara aan isla soo saari doono” ayey tiri Agaasime Zahra Abdi Mohamed.

Mudnae Cabdiqaadir Cumar Baasi Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada Koonfur galbeed ayaa qeexay muhiimada in dadka barakaca uu saameyay in ay xaq u leeyahiin sida dadka caadiga ah in ay u shaqaysan karaan loona baahan yahay in loo fudeeyo wax walbo ku xiran in ay dadka caadiga ay ka mid noqdan marka waxaan rajeynaa in Istaraajiyada Qaranka iyo iskaashiga mamulka in natiijo xooggan laga gaaro.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Koonfur galbeed Mudane Axmed Madoobe Nuuraw oo si rasmi ah u furey shirka ayaa tilmaamay ka maamul ahaan ka qeyb qaadashada Istaraajiyada xalka waara in ay xoojin doonan sida hada si kasii ballaaran maadaama maamulki yahay kan ugu badan barakaca ay ku nool yahiin waana muhiim in la helo xalka looga bixi lahaa dhibaatada barakaca taas oo ah Istaraajiyadan.

“Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed waxaa ku sugan 600,000 kun oo barakacayaal ah, taas oo ay sababtay dhowr duruufood oo kala ah; 1. Amni darro 2. Isbadalka cimilada oo dhalisay abaaro, fatahaado iyo ayax 4. Magaalow, in dad badan ay doorbidayaan nolosha magaalooyinka si ay fursad ugu helaan qoysaskooda sida; shaqo, waxbarsho iyo caafimaad. KG waa gobolka labaad oo ay ku soo barakeceen dadka ugu badan oo ay u dambaysay dadkii laga soo barakiciyey gobolada Waqooyi, kuwaas oo gaarayey in ka badan 2,000 oo qoys oo la siiyey dhul ay degaan iyo gargaar” ayuu yiri Wasiir Axmed Madoobe Nuunow.

Xafiiska Xalka waara ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka waxaa ka taageeraya barnaamijkaan Urur gobaleedka IGAD-DRDIP iyo Baanka Aduunka (WorId bank). Iyada oo gaba-gabada wada-tashiga ay kasoo bixi doonaan qorshe howleedka sanadka 2021-2022 ee dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Soomaaliya, taas oo waxtar u noqonaysa sidii xal waara looga gaari lahaa Arrimaha muhiimka sida xal u helida Abaaraha iyo barakaca baahsan ee ka jira dalkeena.

 

 

 

 

Previous Post

Guddiga doorashada Galmudug oo hal maalin ku kordhiyay waqtiga is Diiwaangelinta

Next Post

Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha Galmudug oo gaaray Degmada Guriceel “SAWIRRO”

Next Post
Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha Galmudug oo gaaray Degmada Guriceel “SAWIRRO”

Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha Galmudug oo gaaray Degmada Guriceel "SAWIRRO"

𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐎𝐁𝐎𝐋𝐊𝐀 𝐁𝐀𝐍𝐀𝐀𝐃𝐈𝐑 𝐎𝐎 𝐗𝐀𝐑𝐈𝐆𝐆𝐀 𝐊𝐀 𝐉𝐀𝐑𝐀𝐘 𝐃𝐔𝐆𝐒𝐈𝐆𝐀 𝐆𝐀𝐁𝐃𝐇𝐀𝐇𝐀 𝐃𝐀𝐑𝐌𝐎𝐎𝐋𝐄𝐘

𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐎𝐁𝐎𝐋𝐊𝐀 𝐁𝐀𝐍𝐀𝐀𝐃𝐈𝐑 𝐎𝐎 𝐗𝐀𝐑𝐈𝐆𝐆𝐀 𝐊𝐀 𝐉𝐀𝐑𝐀𝐘 𝐃𝐔𝐆𝐒𝐈𝐆𝐀 𝐆𝐀𝐁𝐃𝐇𝐀𝐇𝐀 𝐃𝐀𝐑𝐌𝐎𝐎𝐋𝐄𝐘

January 19, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Isniinta maanta ah xarigga ka jaray Dugsiga...

Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka

Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka

January 19, 2026
0

Soomaaliya waa qaran ka mid ah dalalka Afrika ugu geesisan taariikhda. Gumaysigii Yurub marka uu qaaradda ku fidayay si fudud,...

Guddoomiye Muungaab “Si loo adkeeyo amniga caasimadda, waxaan billaabnay diiwaangelinta gaadiidka dadweynaha ee BL-ka ah.”

Guddoomiye Muungaab “Si loo adkeeyo amniga caasimadda, waxaan billaabnay diiwaangelinta gaadiidka dadweynaha ee BL-ka ah.”

January 19, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta ka hadlay bannaanbax ay saakay...

Taliska Ciidanka Booliiska oo askarta hubeysan ka mamnuucay Mootada Fekonta

Taliska Ciidanka Booliiska oo askarta hubeysan ka mamnuucay Mootada Fekonta

January 19, 2026
0

Taliska Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa mamnuucay in askari hubeysan uu isticmaalo mootooyinka Fekonta. Sidoo kale, waxaa gebi ahaanba reeban...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In