Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka wada-tashiga Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta Federaalka iyo Dawlad-goboleedyada oo ka furmay Baydhabo “Sawirro”

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Shirka wada-tashiga Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta Federaalka iyo Dawlad-goboleedyada oo ka furmay Baydhabo “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka wada-tashiga Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee Federaalka iyo Dawlad-goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dawlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed.

Shirkan oo looga hadli doono qodobo ay ka mid yihiin qiimeynta waxyaabaha ka qabsoomey kulamadii hore ee shirka iyada oo sidoo kale lagu dersi doono caqabadaha jira isla markaana lagu qorsheynayo qodobada mudnaanta iyo muhiimadda gaarka ah u leh dalka gaar ahaan dhinaca Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Shirkan ayaa waxaa sidoo kale qorsheysan in lagu soo bandhigo qorshaha xili-kordhinta mudada waxqabadka Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta iyo Mashruuc ballaaran oo dhinaca tiknolojiyadda ah oo isku xiri doona qaar kamid ah wadamada geeska Afrika gaar ahaan dalalka Itoobiya, Eretereya, Jabuuti, Kenya iyo Dalkeena.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee Dawlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Mudane Xildhibaan Mohamednuur Sheekh Cadde, oo soo dhoweeyay ka-soo-qeybgalayaasha ayaa sheegay in ay sharaf weyn u tahay in Iagu qabto shirkan oo ah kii 4aad ee ay isugu yimaadaan wasaaradahan magaalada Baydhabo isaga oo u rajeeyey guul qodobada iyo ajandayaasha horyaala shirka.

Wasiirrada Boostada iyo Isgaarsiinta ee Puntland iyo HirShabeelle oo hadallo kooban ka jeediyay furitaanka shirka ayaa waxa ay sheegeen inay ku faraxsan yihiin ka soo qeyb-galka kulankan iyaga oo ka mahad celiyey wadashaqeynta dhow ee ay suurto geliyeen kulammada nuucan oo kale ah.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Md. C/laahi Bile Nuur, ayaa adkeeyey in Wasaaraddu ay muhiimad gaar ah siineyso talada iyo fikirka wasaaradaha dawlad-goboleedyada si loogu wada shaqeeyo qorshe laga wadatashaday.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa si kooban uga hadlay waxyaabahii u qabsoomey Wasaaradda muddadan kooban iyo waxyaabaha laga filanayo gebo-gebada kulan, isaga oo xusey in ay ka go’antahay Wasaaaradda in ay wadatashi joogto ah iyo xiriir aad u dhow oo wadashaqeeneed la yeelato Wasaaradaha ku abbaaran ee dowlad goboleedyada dalka si loo helo qorshe loo wada dhanyahay, laga tashtay oo dalka gaarsiiyo horumar si guud u wada saaameeya.

Ugu dambeyntii Madaxweyanaha Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa si rasmi ah u furay Shirka isaga oo kula dardaarmey ka soo qeyb galayaasha in ay maskaxda shiilaan kana wadashaqeeyaan sidii loo dardargelin lahaa qorshayaasha qaran ee la xiriira Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Dalka.

Shirkan oo mudo seddex Maalmood ah ka socon doona Magaalada Baydhabo ayaa waxaa kale oo ka soo qeybgalay ka faa’iideystayaasha Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta sida Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.

Previous Post

Masar oo lagu soo dhoweeyay arday Soomaaliyeed oo helay deeq waxbarasho

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In