Shirka wadatashiga adeegyada Caafimadka, degaan siinta, dejinta iyo shaqo u abuurista qaxootiga, barakacayasha iyo bulshooyinka kale ee magan galyo siyaasadeed u yimaada Soomaaliya iyo dalalka deriska ah oo ay kasoo qayb galeen Sideedda wadan ee IGAD ku midoobay iyo bulshada caalamka sida (EU, WB, CSOs & private sector organizations).
Wasaarada Caafimaadka Federalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha xubnaha ka aha Federaalka oo adeegyo caafimaad u sameya dad ka badan 1 malyan iyo 600 oo kun oo barakacayaal iyo qaxooti ah ayaa ka qayb gashay shir caalami ah oo ay iskugu yimaadeen dalalka IGAD iyo bulshada caalamka iyoย wasaarado kale oo ka socdo dowlada federalka Somaliya.
Iyada oo la eegayo duruufaha iyo xaaladaha dagaalada argagixisada iyo khilaafka ka jira wadamada IGAD sida Sudan iyo Soomaaliya, abaaraha iyo fatahaadaha soo noqnoqda oo ay keeneen cimilo isbadalka aduunka ka socda iyo saamayntooda ay sababeen sida barakacayaal iyo qaxootiyada, Dawlada Soomaaliya waxay IGAD ku amaantay magan galyo siinta qaxootyada iyo barakacayaasha dalka Soomaaliya soo galay iyo adeegyada caafimadka dowlada Soomaaliya u fidisay qaxootiyadaas iyo barakacayaashaas.
Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya waxay ku dartay qorshaha siyaasadda caafimadka 5ta sano ee soo socota adeegyo caafimad in loo fidiyo qaxootiyada iyo barkacayaasha iyo in kor loo qaado xaalada nafaqaynta caruurta barakacayaasha iyo qaxootiga iyo inay helaan biyo nadiif ah iyo adeegyo fayodhowr dhameystiran. Wasaarada waxay samaysay madax qaybeed u qaabilsan arrimaha caafimadka barakcayasha iyo qaxootiga si ay u fuliso siyaasadahaas.
Dr Sacdiya Maxamed Macalim oo ah madaxa Barnaamijka adeegyada cafimadka barkacayaasha iyo qaxootiga ayaa shirkaas ku matalaysay Wasaaradda caafimadka Soomaaliya oo socday 4 maalmood halkaas oo lagu soo diyaariyey qorshihii horumarinta adeegyada barakacayaasha iyo qaxootiga.