Saturday, April 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Wadatashiga Badqabka Isgaarsiinta oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Shirka Wadatashiga Badqabka Isgaarsiinta oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa maanta shir guddoomiyey Shirka Wadatashiga badqabka Isgaarsiinta, ilaalinta amniga Internet-ka iyo baraha bulshada, waxaana ka soo qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdicasiis Duwane Isaq, Mas’uuliyiin ka socday Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Madaxda Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka.

Si loo fuliyo qodobbada 64-aad iyo 65-aad ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda waxa ay ku howlantahay sidii loo ilaalinlahaa dhaqanka suubban ee bulshada Soomaaliyeed marka la isticmaalayo isgaarsiinta iyo aaladaha internetka oo saameyn ku yeeshay hab-nololeedka iyo in ay soo kordheen dhaqamo xun-xun, waxaana qabashada howshaan laf dhabar u ah Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Shirkadaha ka shaqeeyo arimaha ICT-da.

Related posts

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026

Shirka inta uu socday waxaa la isla qaatay xilligaan in ay muhiim tahay in la xiro Baraha Tiktok, Telegram iyo Aalada Qamaarka lagu ciyaaro ee 1XBET oo sameyn nololeed ku yeeshay Dhallinyarada Soomaaliyeed oo qaarkood keenay in ay nafta ku waayaan.

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay bilowday Wacyigalin Bulshda looga digayo qataraha ka imaan kara Isgaarsiinta iyo Internet-ka oo sahlaya in si fudud loo faafiyo Wararka iyo xogo aan sal iyo raad laheyn oo lagu dhibaateeyo dad aan waxba galabsan ama lagu kiciyo bulshda.

Previous Post

R/W Xamsa oo guddoomiyay shir looga hadlayay u diyaargarowga shirka Isbadalka Cimilada Adduunka ee COP28

Next Post

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka XFS oo qaabilay Madaxa Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya

Next Post
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka XFS oo qaabilay Madaxa Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka XFS oo qaabilay Madaxa Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo muhiim...

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026
0

Xubno ka socday Maamulka Safaaradda Soomaaliyaee  Kenya ayaa ka qeybgalay xaflad isbarasho oo ay soo qabanqaabiyeen ardyda Soomaalida ee wax...

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

April 3, 2026
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Mudane Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Kulan looga hadlaayey sugidda amniga Magaalada Beydhabo la qaatay...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In