Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Wadatashiga Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya oo lagu daahfuray Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Shirka Wadatashiga Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya oo lagu daahfuray Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho 6 May 2017 – Wasaarada Warfaafinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ku daahfurtay Shirka Wadatashiga Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya oo socon doona muddo 3 cisho ah. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa daahfuray shirkan.

Kulankan wadatashiga ah ayaa waxaa ka soo qeybgalay Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow), Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka, Mudane Cabdiraxmaan Iidan Yoonis, Wasiir ku xigeenka, Wasiirada Warfaafinta ee Dowlad Goboleedyada sida Mudane Cabdinur Cali Adan, Wasiirka Warfaafinta Jubbaland, Mudane Cabdifatah Ashkir Nur, Wasiiru Dowlaha Puntland, Dahir Farah Fidow, Wasiir ku xigeenka GalMudug, Cabdikarin Maxamed Diriye iyo Madaxda Warbaahinta iyo bahda saxaafada. Mudane Xasan Cabdi Maxamed, Wasiirka Warfaafinta KoofurGalbeed ayaa isagana ku soo biirey shirka duhurkii.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Kulankan Wadatashiga Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya ayaa diirada lagu saarayey arrimo ay ka mid yihiin, Xoojinta Xiriirka & Wadashaqeynta heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed iyo Warbaahinta Gaarka loo leeyahay; Dib u eegista Xeerka Saxaafada; Dib u eegista Istraatejiyada Qaranka ee Warbaahinta Soomaaliyeed; iyo Dejinta Istraatejiyada iyo Barnaamijka Wacyi Gelinta Bulshada.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar) ayaa uga mahadceliyey wasaarada warfaafinta doorkeeda soo diyaarinta shirkan wadatashiga oo muhiim u ah xoojinta xiriirka heer federaal iyo heer dowlad goboleedyada, loona baahanyahay in wadatashiyada la joogteeyo.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa wasiirada Dowlad Goboleedyada uga mahadceliyey imaatinkooda, kana codsaday in la xoojiyo xiriirka iyo wadashaqeynta. Eng. Yarisow ayaa ku dheeraaday muhiimada wacyigelinta bulshada iyo sida looga baahanyahay dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay uga qeybqaataan.
DHAMAAD

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Xildhibaanadda Aqalka Sare oo maanta yeeshay kulankoodii 28 aad.

Next Post
Xubnaha aqalka sare oo ansixiyay guddiyo

Xildhibaanadda Aqalka Sare oo maanta yeeshay kulankoodii 28 aad.

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In