Wednesday, May 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Wadatashiga Wasaaradaha Warfaafinta DFS & Dowlad-Goboleedyada oo Warmurtiyeed laga soo saaray

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Shirka Wadatashiga Wasaaradaha Warfaafinta DFS & Dowlad-Goboleedyada oo Warmurtiyeed laga soo saaray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Wasiirada Dawlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Gobolka Banadir oo muddo 4 maalmood ah kulan uga socday magaalada Muqdisho, ayaa soo saaray warmurtiyeed  ka kooban 11 qodob .

Shirka wada tashiga waxaa mudadii uu socday ka qeyb galay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Daxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha iyo Dhaqanka Puntland Mudane Cali Xasan Axmed, Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-galinta Koofur-Galbeed Mudane Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka, hanuunta iyo Dalxiiska Galmudug Mudane Maxamuud Aadan Cusmaan (Masagawa), Wasiirka Warfaafinta, hindaha, dhaqanka iyo Dalxiiska Hirshabelle Mudane Cabdiwali Maxamed Cabdi, Masuuliyiin ka socota Dowlad Goboleedka Jubaland, Agaasimeyaasha guud iyo Agaasimayaasha Warbaahinta ee Wasaaradaha Warfaafinta, xeel-dheerayaal Warbaahineed  iyo xubno ka socday Bulshada rayidka ah.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

May 19, 2026
Taliyaha Hay’adda NISA oo la kulmay Imaam Daahir Imaam Maxamuud

Taliyaha Hay’adda NISA oo la kulmay Imaam Daahir Imaam Maxamuud

May 19, 2026

Mudadii shirku u socday Wasiiraddu waxay shir doceedyo ama shirar dhinac socday kulankaan la yeesheen:-

  1. 19 August 2019 waxay Hotel Jazeera kula shireen madaxda ururadda iyo Agaasimayaasha Warbaahinta gaarka loo leeyahay, iyo madaxda ururada bulshada Rayidka ah sida Culimada, Salaadiinta dhaqanka, ururada dhalinyarada, Haweenka iyo qaar ka mid madaxda Jaamacadaha.

 

  1. 20 August 2019 waxay hoolka shirarka ee AMISOM VIP kula kulmeen Dawladaha, ururada Caalamiga ah ee taageera Warbaahinta Soomaaliya iyo qaar ka mid ah hay’adaha iyo shirkadaha daneeyaya ama ka qaybqaata wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed.

Qodobada Ajeendaha u ahaa kulanka Wasiiradda ee shirka looga dooday, waxaa ka mid ahaa:

  1. Xoojinta xiriirka wada-shaqeynta ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Federalka iyo Wasaaradaha Warfaafinta ee dowlad-goboleedyada.
  2. Hirgelinta Istaraatiijiyada Wacyigelinta Qaranka oo hore ay isula sameeyeen dhamaan Wasaaradaha Warfaafinta ee labada heer ee Dawladda lagana ansixiyey Golaha Wasiiradda ee DFS.
  3. Dhiirigelinta iyo horumarinta weriyaha iyo Warbaahinta gaarka loo leeyahay, iyo ku wacyigelinta masuuliyadaha ka saaran difaacidda danaha qaranka, midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. iyo
  4. Ugu dambeyn, sidii loo hagaajin lahaa xidhiidhka iyo wadashaqeynta Wasaaradaha iyo Taageerayaasha caalamiga ah ee Warbaahinta iyo wacyigelinta bulshada, looguna jeexi lahaa dariiq iyo nidaam wadashaqeyneed oo laysku ogyahay.

Wadatashi dheer oo saddex maalmood qaatay kadib, ka soo qaybgalayashu waxay isku raacen;

  1. Wasiiradu waxay ku heshiiyeen in la xoojiyo isku xidhnaanta Wasaaradaha Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee labada heer ee Dawladda oo loo sameeyo nidaam iyo qaab-dhismeed ay si joogto ah ugu kulmaan uguna kala warqaataan Wasiiradda, Agaasimayaasha, Agaasimayaasha Tiifiiyada, Agaasimayaasha Raadyayaasha, kuwa maamulka iyo wixii la mid ah si loo xoojiyo iska warqabka iyo qibrad wadaagga.

 

  1. In lagu dhiirigeliyo Madaxda sare ee Qaranka (heer Federal iyo Dawlad Goboleed) muhiimadda wacyigelinta bulshada iyo in ay taageeraan baahinta iyo hirgelinta Istiraatiijiyadda Wacyigelinta Qaranka oo ay ku dhan yihiin dhamaan qaybaha iyo meelaha bulshada Soomaaliyeed uga baahan yihiin wacyigelin.

 

  1. In la magacaabo guddi farsamo oo isku dhaf ah oo daraasad ku soo sameeya tirada iyo tayada Warbaahinta Dawladda ee labada heer, si loo ogaado awoodda Wasaaradaha Warfaafinta ee dhinacyada qalabka, shaqaalaha, barnaamijyada wacyigelinta ee ay sameeyaan iyo inta ay boqolkiiba gaarsiiyaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

 

  1. In la sameeyo Xarun iyo Gole Wacyigelineed oo ay ku mideysan yihiin Wasaaradaha Warfaafinta ee labada heer ee Dawladda oo soosaara barnaamijyo iyo farriimo qiimo u leh bulshada Soomaaliyeed oo si siman looga siidaayo Warbaahinta Dawladda ee heer Federaal iyo Maamul Goboleed, kana shaqeeya sidii Wasaaradaha Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiisku isu-dhaafsan lahaayeen khibradaha, agabka, tababarrada ay is dheer yihiin.

 

  1. Wasiiradu waxay fareen Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha in ay si degdeg ah u dhisaan una hawlgeliyaan Xarunta wacyigelinta Qaranka, lana bilaabo soo saarista iyo gudbinta fariimo iyo barnaamijyo Wacyigelineed oo Bulshada dalka oo dhan loogu tilmaamayo muhiimada midnimada iyo wadajirka, muhiimada nabada iyo xasiloonida, la dagaalanka amni xumada iyo Argagixisada, Musuqmaasuqa, barashada Dastuurka, nidaamka Federaalka iyo nidaamka Doorashooyinka kala duwan ee dalka, Dib-uheshiinta, is taakuleynta iyo Dowlad-wanaaga.

 

  1. In lagu dhiirigeliyo Dawladaha, Hay’adaha iyo ururrada taageera warbaahinta Soomaaliya in ay kordhiyaan taageeradooda isla markaana waafajiyaan mashaariicda ay maalgalinayaan Istiraatiijiyadda Wacyigelinta Qaranka. Sidoo kalena fuliyeyaasha/qandaraas qaatayaasha ka shaqeeya arrimaha Warbaahinta iyo wacyigelinta Buslahada Soomaaliyeed ku dhaqmaan Public Awareness guiding policy and principles-kii Wasiiraddu la wadeegaan shirkii 20 August 2019 ee lagu qabtay qolka shirarka ee AMISOM VIP.

 

  1. In la sameeyo Siyaasad ama Xeer hoosaad saldhig u noqda wada-shaqeynta Wasaaradaha Warfaafinta ee labada heer ee dowladda Soomaaliya oo ay ku cad yihiin arrimaha laga wada-shaqeynayo, waajibaadka dhinac kastaa leeyahay iyo joogteynta is-dhaafsiga wararka, Barnaamiyada, kulamada, tababarada iyo in aanay wax lug ah ku yeelan wacyigelinta Bulshada ee ay wadaan hawlwadeenada Wasaaradaha Warfaafinta duufaanada siyaasadeed ee marar qaar imaan kara.

 

  1. Wasiiradu waxay ammaaneen doorka Warbaahinta gaarka loo leeyahay, culimada, salaadiinta iyo ururadda bulshada rayidka ahi kaga jiraan ama ku leeyihiin hawlaha Wacigelinta Bulshada, waxayna ka codsadeen in ay xoojiyaan dedaalkooda xiligan ummadda Soomaaliyeed ka gudbayso amni xumada, la noolaanshaha argagixisada iyo kala qaybsanaanta soo dilootay ummadda Soomaaliyeed, kana dheeraadaan wax kasta oo dib inoo celin kara.

 

  1. Wasiiraddu waxay isku raaceen in shirka soo scoda ee Wasiiradda Warfaafinta ee DFS iyo Maamul Goboleedyada lagu qabto Magaaladda Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Dawlad Goboleedka K/Galbeed 18 November 2019.
  2. Wasiiradu waxay u mahadceliyeen Wasiirka iyo Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska DFS sida wanaagsan ee ay u soo qorsheeyeen una soo abaabuleen shirkan ay ku kulmeen Madaxda Wasaaradaha Warfaafinta ee labada heer ee Dowladda.
  3. Sidoo kale Wasiiraddu waxay u mahadceliyeen Dawladaha, ururada iyo hey’adaha caalamiga ah ee saaxiibada la ah Soomaaliya ee taageera Warbaahinta, wacyigelinta bulshada iyo horumarinta iyo bedqabka weriyaha

MAHADSANIDIIN

 

Previous Post

Shirka horumarinta Tamarta oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradad Tamarka & Khayraadka Biyaha XFS oo Baydhabo ka socda+sawirro

Next Post

Wasiirka Maaliyadda oo sheegay in ay soo gabagabeeyeen Tirakoobka hantida Qaranka “Sawirro+Dhageyso”

Next Post
Wasiirka Maaliyadda oo sheegay in ay soo gabagabeeyeen Tirakoobka hantida Qaranka “Sawirro+Dhageyso”

Wasiirka Maaliyadda oo sheegay in ay soo gabagabeeyeen Tirakoobka hantida Qaranka "Sawirro+Dhageyso"

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

May 19, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Buurhakabo...

Taliyaha Hay’adda NISA oo la kulmay Imaam Daahir Imaam Maxamuud

Taliyaha Hay’adda NISA oo la kulmay Imaam Daahir Imaam Maxamuud

May 19, 2026
0

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa maanta degmada Gubadley ee Gobolka Banaadir kulan...

Soomaaliya oo ka mid noqotay dalalka Isku Aadka Qaramada Afrika loo qori tuuray

Soomaaliya oo ka mid noqotay dalalka Isku Aadka Qaramada Afrika loo qori tuuray

May 19, 2026
0

Xiriirka Kubadda Cagta Afrika ayaa shaaciyay isku aadka isreeb-reebka heerka Groupyada ee tartanka Qaramada Afrika ee 2027, iyadoo munaasabad weyn...

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka XDS oo guddoomiyay kulan amniga looga hadlayey

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka XDS oo guddoomiyay kulan amniga looga hadlayey

May 19, 2026
0

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Cabdullahi Xuseen Cirro ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlay amniga Gobolka Baay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In