Waxaa maanta magaalada Nairobi lagu soo gabagabeeyay shirka Wasiirada Dhallinyarada Dowladaha xubnaha ka ah Urur Gobolleedka IGAD ayaa waxa Dowlada Federaalka Soomaaliya uga qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya mudane Maxamed Barre Maxamuud waxaana kulanka shir gudoominayay Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada dowlada Jabuuti.
Shirka ayaa intii uu socday waxaa lagu ansixiyay Siyaasadda Dhallinyarada IGAD, kaas oo loo sameeyay si uu wax badan kaga qabto baahiyaha ay qabaan Dhallinyarada ku nool Gobolka.
Shirkaan ayaa daba socday shir labadii maalmood ee lasoo dhaafay u socday xubnaha farsamada ee ka kala socday dalalka kubahoobay Urur Gobolleedka IGAD, Wasiirada ayaana si aqlabiyad leh ku ansixiyay Siyaasadda dhallinyarada gobolka, iyagoo si wadajir ah ugu baaqay Dowladaha inay ka wada shaqeeyaan hirgelinta Siyaasaddan cusub.