Sunday, November 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirkad Cusub oo Muqdisho ka higelineysa adeeg casri ah oo lagu dalban karo taksiyada iyo bajaajta

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
Shirkad Cusub oo Muqdisho ka higelineysa  adeeg casri ah oo lagu dalban karo taksiyada iyo bajaajta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkad cusub oo ay Soomaali leedahay ayaa dhowaan magaalada Muqdisho ka billaabi doonta adeeg casri ah oo dadweynuhu ku dalban karaan taksi ama bajaaj iyagoo jooga gurigooda ama goobtooda shaqo.

Shirkaddan oo magaceeda la yiraahdo DALBO (Taksi iyo Bajaaj) ayaa adeegsan doonta teknooljiyada casriga ah ayaa u sahli doonta qof kasta oo haysta taleefoonka gacanta inuu dalban karo taksi ama bajaaj, waxayna dhinaca kale taasi fursad siin doontaa wadayaasha bajaajta oo sii kordhaya, iskuma ciriirinaya waddooyinka waaweyn.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Ka sokow nidaamka dalbashada, wuxuu adeeggan horumarin doonaa xirfadda iyo aqoonta wadayaasha bajaajta, iyadoo loo sameynayo horumarin iyo tababarro joogto ah.

Adeegyada ay soo keeneyso Shirkadda Dalbo waa kuwo la jaan-qaadi doona nidaamka lagu dalbado taksiyada ee ay hormuudka u tahay shirkadda Uber. Hase yeeshee, midka Soomaaliga wuxuu xoogga saari doonaa bajaajta maadaama ay tahay gadiidka dadweynaha ee ugu badan ee la adeegsado.

Mas’uuliyiinta shirkadda Dalbo ayaa sheegay in baahidan ay dareemeen ka dib markii ay suuqa ka baxeen dhammaan shirkadihii taksiyada ee aasaasmay sanadkii 2011 iyo 2012, taasoo ay ugu wacneyd tartan aan loo baahneyn oo lagu galay suuq aan weyneyn.

Mas’uuliyiinta shirkadda ayaa sheegay inay dareemeen in magaalada Muqdisho u baahan tahay shirkad buuxisa baahidaas oo u dhabar-adeygta tartanka ku-dayashada ee badanaa dhabar-jebiya ganacsiyada Soomaalida, ugu dambeyntana keena in suuqa laga wada baxo.

Previous Post

Daawo Sawirrada: Jaaliyadda Soomaaliyeed ee South Africa oo Xaflad mahadcelin ah u sameysay Turkiga

Next Post

Shir looga hadlayey la dagaalanka fikirka Xagjirka ah oo Magaaladda Muqdisho lagu qabtay “Sawirro”

Next Post
Shir looga hadlayey la dagaalanka fikirka Xagjirka ah oo Magaaladda Muqdisho lagu qabtay “Sawirro”

Shir looga hadlayey la dagaalanka fikirka Xagjirka ah oo Magaaladda Muqdisho lagu qabtay “Sawirro”

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In