Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirkad Cusub Oo Qaabilsan Daabulidda Shixnadaha Ganacsi Oo Laga Hirgeliyay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Shirkad Cusub Oo Qaabilsan Daabulidda Shixnadaha Ganacsi Oo Laga Hirgeliyay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Daahfurka shirakadda ganacsiga Djibouti Shipping Company oo maanta markabkii ugu horeeysay oo shirkaas u rarnaa ku soo xirtay dekada Muqdisho, Maxamed Cabdixaliim, wakiilka shirkadda oo ka hadlay munaasabad gudaha dekadda loogu xafladeeyay ayaa sheegay in shirkadooda 14 maalin oo keli ah kaga keeni doonto Turkiga halka shirakadaha kale safarkoodu ahaa ugu yeraan 45 cisho.

Farhat Akkat oo ah maamulaha shirkadda Albeyrak ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan shirkadda cusub ee qaabilsan daabulidda shixnadaha ganacsi, isla markaana si toos ah isugu xireyso Soomaaliya iyo Turkiga.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Sii hayeyaasha Wasiirada ganacsiga, Maaliyadda iyo mas’uuliyiinta rugta ganacsiga oo xafladda ka hadlay ayaa sheegay in ay tani bilow cusub u tahay ganacsiga Soomaaliya iyo dalalka kale, maadaama shirkaddii ugu horeysay oo toos alaabaha ganacsiga uga keeneyso maanta suurtagashay.

Sii hayaha Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda Maryan Aweys Jaamac, ayaa sheegtay inay u mahadcelinayso ganacsatadii suurtagelisay shirkaddan dalka ka howlgasho.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay, Wasiiro ka tirsan Xukuumaddii hore, Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, mas’uuliyiin ka tirsan safaaradda Djibouti ee Soomaaliya iyo xubno kale, kuwaasi oo soo dhaweeyay shirkaddan cusub.

Markabka African Sun ayaa labadii bishan ka soo baxay marsada Istanbul, kaas oo u raran shirkadda laga leeyahay Djibouti, taas oo si toos ah alaabaha ganacsiga uga keeni doonta dalka Turkiga, halka markii hore la soo mari jirey meelo kale oo ay kamid tahay dekadda Dubai.

Sawir Qaade:- Cabdiqadar Catoosh

Previous Post

Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Mareykanka oo soo dhaweeyay R/Wasaaraha cusub ee Soomaaliya

Next Post

Xildhibaanno Ka Tirsan Golaha Shacabka Oo Ka Qeyb-Galay Hotelka Heritage Oo Laga Hirgeliyay Muqdisho

Next Post
Bulshada Soomaaliyeed ee Uganda ku dhaqan oo taageeray waxqabadka dowladda

Xildhibaanno Ka Tirsan Golaha Shacabka Oo Ka Qeyb-Galay Hotelka Heritage Oo Laga Hirgeliyay Muqdisho

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In