Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirkii 12-aad ee Islaamka ee Kampala Ka socday oo lasoo gabagabeeyay+Sawirro

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Shirkii 12-aad ee Islaamka ee Kampala Ka socday oo lasoo gabagabeeyay+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkaan oo socday muddo shan cisho ah ayaa looga hadlay beeca iyo diinta Islaamka waxa ay ka qabto, gaar ahaan sarifka online-ka ee Forex loo yaqaan oo maalmahan aad loo hadal haayay.

Shirkaan oo ka socday xarunta Islaamiga ah ee Towxiid ee Kampala ayna kasoo qayb galeen culumaa’udiin caan ka ah gudaha Soomaalida, sida Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi iyo Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun iyo culumo kale oo haysta darajada cilmiga ee P.H.D oo la xariirta dhaqaalaha islaamka.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026

Shirkan oo lasoo gabagabeeyay ayaa ugu dambeyntii laga soo saaray war-murtiyeed dhowr qodob ah oo ay ugu muhiimsanayd cambaarayn iyo tacsi loo diray dadkii ku waxyeeloobay qaraxii dhawaan ka dhacay Ex-koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho, iyadoona la sheegay in falkaas ahaa fal aad u guracan.

Sidoo kale war-murtiyeedkaas oo nuqul ka mid ah ay heshay warbaahinta Qaranka ayaa loogu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed ee ka shaqeysata arrimaha sarifka in ay ka fogaadaan wax walba oo shaki galinaya xalaalnimada ganacsigooda.

Munaasabadii soo afjarista shirka oo ay ka hadleen culumada kala ah Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi iyo Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun ayaa ka mahadnaqay sida qiimaha lahayd ee loosoo dhaweeyay intii uu shirkan socday, iyagoo ku baaqay in diinta Islaamka la barto, lana qaato fahanka saxda ah ee diinteenna Islaamka.

Sanad walba xilligan oo kale ayaa la qabtaa shirkaan islaamiga ah oo looga hadlo arrimo quseeya diinteenna Islaamka iyadoo sanadkaan uu ahaa kii 12-aad.

Previous Post

Aqalka sare oo leh kulan looga hadlayo xeerka Saxaafadda

Next Post

Maamulka Degmada Kaaraan oo Olole nadaafadeed ka bilaabay waddooyinka Degmada “SAWIRRO”

Next Post
Maamulka Degmada Kaaraan oo Olole nadaafadeed ka bilaabay waddooyinka Degmada “SAWIRRO”

Maamulka Degmada Kaaraan oo Olole nadaafadeed ka bilaabay waddooyinka Degmada “SAWIRRO”

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In