Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirkii 12-aad ee Islaamka ee Kampala Ka socday oo lasoo gabagabeeyay+Sawirro

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Shirkii 12-aad ee Islaamka ee Kampala Ka socday oo lasoo gabagabeeyay+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkaan oo socday muddo shan cisho ah ayaa looga hadlay beeca iyo diinta Islaamka waxa ay ka qabto, gaar ahaan sarifka online-ka ee Forex loo yaqaan oo maalmahan aad loo hadal haayay.

Shirkaan oo ka socday xarunta Islaamiga ah ee Towxiid ee Kampala ayna kasoo qayb galeen culumaa’udiin caan ka ah gudaha Soomaalida, sida Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi iyo Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun iyo culumo kale oo haysta darajada cilmiga ee P.H.D oo la xariirta dhaqaalaha islaamka.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Shirkan oo lasoo gabagabeeyay ayaa ugu dambeyntii laga soo saaray war-murtiyeed dhowr qodob ah oo ay ugu muhiimsanayd cambaarayn iyo tacsi loo diray dadkii ku waxyeeloobay qaraxii dhawaan ka dhacay Ex-koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho, iyadoona la sheegay in falkaas ahaa fal aad u guracan.

Sidoo kale war-murtiyeedkaas oo nuqul ka mid ah ay heshay warbaahinta Qaranka ayaa loogu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed ee ka shaqeysata arrimaha sarifka in ay ka fogaadaan wax walba oo shaki galinaya xalaalnimada ganacsigooda.

Munaasabadii soo afjarista shirka oo ay ka hadleen culumada kala ah Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi iyo Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun ayaa ka mahadnaqay sida qiimaha lahayd ee loosoo dhaweeyay intii uu shirkan socday, iyagoo ku baaqay in diinta Islaamka la barto, lana qaato fahanka saxda ah ee diinteenna Islaamka.

Sanad walba xilligan oo kale ayaa la qabtaa shirkaan islaamiga ah oo looga hadlo arrimo quseeya diinteenna Islaamka iyadoo sanadkaan uu ahaa kii 12-aad.

Previous Post

Aqalka sare oo leh kulan looga hadlayo xeerka Saxaafadda

Next Post

Maamulka Degmada Kaaraan oo Olole nadaafadeed ka bilaabay waddooyinka Degmada “SAWIRRO”

Next Post
Maamulka Degmada Kaaraan oo Olole nadaafadeed ka bilaabay waddooyinka Degmada “SAWIRRO”

Maamulka Degmada Kaaraan oo Olole nadaafadeed ka bilaabay waddooyinka Degmada “SAWIRRO”

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In