Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Biixi Iimaan Cige ayaa maanta soo xiray shir labo maalin uga socday Muqdisho , wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Federaalka iyo Dawlad-gobolleedyada.
Shirka ayaa muddada uu socday , waxaa looga hadlay , howlaha hortabinta iyo mudnaanta u leh arrimaha Shaqada, Shaqaalaha iyo Horumarinta Bulshada,iyadoo sidoo kalana dooddo laga yeeshay siyaabaha lagu dhimi karo shaqo la’aanta, laguna horumarin karo barnaamijyada taageerrada shaqada.
Si loo gaaro horumarin iyo isbeddelo bulsho, waxaa ay wasiirrada isku raaceen inay muhiimtahay kor u qaadista kaabayaasha Bulshada,waxaa kalo ay wasiirrada soo bandhigeen hannaanka lagu dhimayo nuglaata Bulshada ee saameynta ka dhalatay abaarta.
Shirkan waxaan ku gaarnay in la xoojiyo iskaashiga si wadajir ahna loo wajaho horumarinta adeegyada Bulshada , siyaasadaha taageeraya shaqada iyo Ilaalinta Bulshada .” ayuu yiri Wasiir Biixi oo gabagabada shirka ka hadlay.
Wasiirrada ayaa ku ballamay joogteynta kulamada wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee heer federaal iyo Dawlad-gobolleedyada, si looga miro-dhaliyo qorshayaasha waxtarka u leh Bulshada.
Labada maalin ee uu shirka socday waxaa ka qeybgalay wasiiru Dawlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, Wasiir ku-xigeenka ,Mudane Cismaan Libaax Ibraahim, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Jubbaland , Mudane Axmed Maxamed Cali , Wasiirka Shaqada ,Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland, Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Hirshabeelle ,Mudane Maxamed Sheekh Cali Salaad iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Koonfurgalbeed , Mudane Cabdiqaadir Cumar Cabdullaahi (Baasto).