Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirweynaha Adkaysiga Aafooyinka oo maalintii labaad ka socda Muqdisho 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
1 year ago
in Wararka
0
Shirweynaha Adkaysiga Aafooyinka oo maalintii labaad ka socda Muqdisho 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir-weynaha u Adkaysiga Aafooyinka ee Soomaaliya oo maalintii labaad ka socda Muqdisho, waxaa lagu soo bandhigay cilmi-baarisyo iyo daraasado ku saabsan xal u helidda mushkiladaha dalka ku soo laalaabtay.

Shirkan oo si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) iyo Jaamacadda Muqdisho, ayaa waxa uu muhiimad gaar ah siiyay sidii looga hortagi lahaa saameynta ay musiibooyinku ku leeyihiin bulshada iyo deegaanka.

Related posts

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026

Guddoomiye ku xigeenka SoDMA, Dr. Axmed Aadan, oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Guddiga Qaban-qaabada shirkan, ayaa ka qeyb-galayaasha maalinta labaad ku soo dhaweeyay shirka, isaga oo tilmaamay in wada-shaqeynta cilmi-baarista iyo siyaasadda ay muhiim u tahay xal u helidda dhibaatooyinka soo noqnoqda ee dalka ka jira.

Dhinaca kale, Nasiima Abuukar, khabiir aqoon durugsan u leh arrimaha gargaarka bani’aadannimo iyo ka-hortagga khilaafaadka, ayaa shirkan ku soo bandhigtay daraasad la xiriirta barakaca ay sababeen musiibooyinka, iyo sida loo hirgelin karo istaraatiijiyado lagu maareeyo khataraha iyo tacaddiyada ka dhasha musiibooyinka.

Daraasadda Nasiima ayaa sidoo kale iftiimisay baahida loo qabo qorshayaal waara oo lagu xalliyo dhibaatada barakacayaasha iyo dadka ay ka dhaxleen tacaddiyada.

Sidoo kale, Maryama Diini Maxamed oo ah cilmi-baare ku xeel-dheer howlaha la xariira xuquuqul insaanka iyo horumarinta bulshada, qeybna ka ah maamulka Jaamacadda Muqdisho, ayaa Shir-weynaha ka jeedisay daraasad cilmiyeed ku saabsan barakaca iyo culeysyada dib-u-dejinta ay musiibooyinku ku keeneen Soomaaliya, dhibaatooyinka jira iyo xalka looga gudbi karo.

Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixiyay socdaal uu ku marayo dalalka qeybta ka ah howlgalka M.Afrika

Next Post

Ciidanka NISA oo gacanta kusoo dhigay labo xubnoo oo khawaarijta u qaabilsanaa Sahanka

Next Post
Ciidanka NISA oo gacanta kusoo dhigay labo xubnoo oo khawaarijta u qaabilsanaa Sahanka

Ciidanka NISA oo gacanta kusoo dhigay labo xubnoo oo khawaarijta u qaabilsanaa Sahanka

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hay’adda, ayaa ka...

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In