Thursday, September 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sidii fursado shaqo loogu abuuri lahaa dhallinta Soomaaliyeed oo laga hadlay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Dhalinyarada Oo Kulan La Qaadatay Ururrada Dhalinyarada Dalka Qaarkood “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadan oo lagu xusayay 18ka  December oo ku beegan Maalinta loo agoonsaday tahriibayaasha adduunka  taasi oo wacyi gelin looga sameynayay dhallinyarada Soomaaliyeed iyo sidii tahriibka looga joojin lahaa, isla markaana shaqo abuur loogu sameyn lahaa dhallinta Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabiyeen machadka Hano Academy oo kaashaneysa Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Xafladda waxaa ka qeyb galay munaasabadda mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomalaiya, hay’adaha ganacsiga ee ka shaqeeya ee dalka iyo Wakiilo ka socday bankiyada ka howlgala caasimadda, gaar ahaan dalka Soomaaliye  dhalinyaro iyo bulshada qeybaheeda kala duwan

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026

Madaxa Machadka Hano Academy Sacdiyo Siyaad ayaa ka hadashay sida looga hortagi karo tahriibka iyo qaabka shaqo abuur looga sameyn lahaa  dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Maanta waxaa halkan looga hadlayaa sidii loo joojin lahaa tahriibka oo ay ku dhimanayaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo in la weyneeyo maalinta 18 December oo ku beegan maalin tahriibayaasha, Hano Accademy waxay xoogga saareysaa sidii dhallinyarada Soomaaliyeed ay shaqo abuur ugu sameyn laheyd”ayay tiri Sacdiyo.

Wakiilo ka kala socday Premier Bank iyo Dahabshiil Bank ayaa sheegay inay wadaan dadaallo lagu maal gelinayo dhallinyarada Soomaaliyeed, si ay uga baaqsadaan tahriibka.

Xasam Maxamed Guutaale Agaasimaha Waaxda Tababarada iyo Farsamada Gacanta  ee Wasaaradda Shaqada iyo Cumar Xuseen Caliyow Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa si wada jir ah u tilmaamay in Wasaaraddu ay ku howlantahay sidii dhallinta looga caawin lahaa inay shaqo helaan.

Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa Mudooyinkan dambe waxa ay Dowladda Soomaaliya waday dadaalo dib dalka loogu soo celinayo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan xabsiyada ku yaala caalamka, kuwaasi oo tahriib ku tegay wadamo badan

Previous Post

Taliska ciidanka Asluubta oo magacaabay guddi soo baara marxuum ku dhintay xabsiga dhexe ee Xamar “Dhageyso”

Next Post

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo gabdho suxufiyiin ah tababar ugu soo xiray Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo gabdho suxufiyiin ah tababar ugu soo xiray Muqdisho “SAWIRRO”

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo gabdho suxufiyiin ah tababar ugu soo xiray Muqdisho “SAWIRRO”

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

𝐑𝐚,𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐉𝐅𝐒  𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐄𝐥 𝐍𝐢𝐧̃𝐨

𝐑𝐚,𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐄𝐥 𝐍𝐢𝐧̃𝐨

September 23, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi , ayaa guddoomiyay kulan heer wasiir ah oo...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kulamo doceedyo kula yeeshay Madaxweynaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In