Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sii-hayaha wasiirka ganacsiga XFS oo ka qeyb galayaasha shirka wadatashiga dhaqan gelinta xeer-nidaamiyaha sharciga shirkadaha ugu baaqay in sida ugu habboon ay uga talo bixiyaan xeerkaas”SAWIRRO”

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Sii-hayaha wasiirka ganacsiga XFS oo ka qeyb galayaasha shirka wadatashiga dhaqan gelinta xeer-nidaamiyaha sharciga shirkadaha ugu baaqay in sida ugu habboon ay uga talo bixiyaan xeerkaas”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa maanta furay kulan la-tashi ah oo Wasaaraddu ay hayโ€™adaha dawladda heer Federaal, Maamul Goballeedyada, Ganacsatada, Maal-gashadayaasha iyo Taageerayaasha Caalamiga ah ay kala sameynaysay xeer-nidaamiyahii lagu dhaqan-gelinayey sharciga shirkadaha Soomaaliya oo ay Wasaaraddu soo diyaarisay iyada oo la kaashanaysa hayโ€™adda IFC iyo weliba xafiiska sharci-yaqaanada ee Muqdisho.

Kulankan oo socon doona muddo hal maalin ah, ayaa ka qabsoomay hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho, iyada oo sido kale ay ka soo qeyb-galeen Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan, La-taliyeyaasha Wasaaradda, Qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedyada, hayโ€™adaha IFC iyo weliba Sharci yaqaanada Muqdisho Law Office, Waxaana kulanka diiradda lagu saarayey dib-u-eegis lagu sameynaayey xeer-nidaamiyahaasi iyo in ka soo-qeyb-galayaasha kulankaasi ay talooyinkooda ku biiriyaan haddii ay tahay wax-ka-beddelid, kaabid iyo ka saarid intaba.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ญ๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ž๐ฒ ๐ƒ๐ฎ๐Ÿ๐œ๐š๐๐๐ข๐ข ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐Š๐ฎ๐ฆ๐š๐š๐ง๐๐จ๐จ๐ฌ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ง๐š๐›ย 

September 28, 2026
Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Inj. Cabdullaahi Cali Xasan oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in sharciga shirkadaha iyo xeerkani ay ahmiyad weyn u leeyihiin fududeynta adeega ganacsiga iyo maal-gashiga, diiwaan-gelinta shirkadaha, xogta ganacsiga, fursadaha maal-gashiga iyo wixii la mid ah. Waxa kale oo uu sheegay in uu muhiimad u leeyahay xeerinta iyo kala hagidda maamulka shirkadaha ganacsiga, xuquuqda maal-gashadaha iyo mulkiilayaasha shirkaddaha ganacsiga, dhiiri-gelinta ganacsatada Soomaaliyeed iyo soo-jiidasho maal-gashi, shaqo-abuur iyo kobcinta dhaqaalaha intaba.

Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, wuxu ka soo-qeyb-galayaashii kulanka uu kula dar-daarmay inay sida ugu habboon ay uga talo-bixiyaan xeerkaas lagu dhaqan-gelinaayo sharciga shirkadaha iyaga oo eegaya sida ay u dhisan yihiin shuruucda iyo xeerarka shirkadaha adduunka si sharcigani u noqdo mid casri ah oo la jaan-qaadaya kuwa ka dhisan dunida iyo waliba dhiiri-gelinta iyo soo-jiidashada ganacsi iyo maal-gashi si shirkaduhu u helaan kalsooni ay wadanka ugu aamini karaan hantidooda.

Wasiirku, wuxu ugu dambeyntii u mahad-celiyey masโ€™uuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Hayโ€™adda IFC iyo Xafiiska Sharci-yaqaanada Muqdisho oo hawsha dedaal xoog leh ku bixiyey siddii ay u midho dhali lahayd sidoo kalena hore uga shaqeeyey diyaarintii iyo dhammeystirkii sharciga shirkadaha oo la ansaxiyey bishii Diisember 2019, waxa kale oo uu u mahad-celiyey dhammaan dadkii kala duwanaa ee ka soo qeyb-galay kulankaas oo uu u rajeeyey inay talooyin wanaagsan ku soo kordhin doonaan xeerkaasi.

Previous Post

Goob la doonayo in laga dhiso bangi dhiigga lagu keydo oo laga soo saaray waxyaaba qarxa”SAWIRRO”

Next Post

Sii Hayaha Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS Oo Gaarya Magaalada Baydhabo+Sawirro

Next Post
Sii Hayaha Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS Oo Gaarya Magaalada Baydhabo+Sawirro

Sii Hayaha Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS Oo Gaarya Magaalada Baydhabo+Sawirro

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ญ๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ž๐ฒ ๐ƒ๐ฎ๐Ÿ๐œ๐š๐๐๐ข๐ข ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐Š๐ฎ๐ฆ๐š๐š๐ง๐๐จ๐จ๐ฌ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ง๐š๐›ย 

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ญ๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ž๐ฒ ๐ƒ๐ฎ๐Ÿ๐œ๐š๐๐๐ข๐ข ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐Š๐ฎ๐ฆ๐š๐š๐ง๐๐จ๐จ๐ฌ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ง๐š๐›ย 

September 28, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hayโ€™adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hayโ€™adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hayโ€™adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In