Monday, May 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sii hayaha Wasiirka Warfaafinta oo tababar ku saabsan Afka iyo Dhaqanka u soo xiray in ka badan 70 suxufi “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 17, 2020
in Wararka
0
Sii hayaha Wasiirka Warfaafinta oo tababar ku saabsan Afka iyo Dhaqanka u soo xiray in ka badan 70 suxufi “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sii hayaha Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa maanta tababar la xiriirta Afka iyo dhaqanka u soo gabo gabeeyay in ka badan 70 suxufi oo ka kala socday Warbaahinta Qaranka, Warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay iyo arday ka socotay Jaamacadda Ummadda oo barata kulliyadda saxaafadda.

Tababarkan oo ay soo qaban qaabisay Waaxda Shaqaalaha iyo tababarada ee Wasaaradda Warfaafinta, isla markaana socday muddo saddex cisho ah ayaa gaba gabadii waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Waaxda shaqada, shaqaalaha iyo tababarada Mudane Cabdirixiin Ciise Caddow, Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Yaxye Cali Faarax, Agaasimaha Waaxda Farsamada iyo teknaloojiyadda Mudane Cabdiqaadir Muxudiin Khaliif, Agaasimaha Waaxda Dhaqanka ee Wasaaradda Mudane Cali Cabdillaahi

Related posts

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

May 17, 2025
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

May 16, 2025

Agaasimaha Waaxda shaqada, shaqaalaha iyo tababarada ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdirixiin Ciise Caddow ayaa sheegay in tababarkan uu socday muddo sadddex cisho ah, ayna ka qeyb galeen suxufiyiiin isugu jira shaqaalaha Warbaahinta Qaranka, kuwa ka howlgalla warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay iyo ardayda Jaamacadda Ummadda.

“Mudane Wasiir tababarkan waa kii 9-aad oo ay Waaxdu qabato tan iyo bishii July, waana kii ugu tirada badnaa ee ay ka qeyb galaan dad intaan la eg, runtii intii ka qeybgashay wax badan ayay ka faa’iideysteen, waxaana rajeynayaa inay ku dabaqi doonaan shaqadooda”.ayuu yiri Agaasime Cabdirixiin.

Safiyo Maxamed Cumar oo ka mid ah ardayda Jaamacadda Ummadda ee kulliyadda saxaafadda barata, kuna hadlaysay magaca ka qeybgalayaasha ayaa tilmaamtay in wax badan ay ka faa’iideen siminaarka, ayna codsaneyso in la joogteeyo tababarada nuucaani oo kale ah.

Maxamed Xasan Cirro oo ka mid ah macalimiinta tababarka bixinaysay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin sida wanaagsan ee tababarka ku qabsoomay, isagoo Agaasime Cabdirixiin uga mahadceliyay qabsoomidda tababarkan.

“Waxaan idinkula dardaarmayaa suxufiyiinta inaad xoojisaan u hiilinta Afka Hooyo iyo inaad barataan barashada dhaqanka oo wax badan kuu fududeyn doonta” ayuu yiri Ustaad Maxamed.

Axmed Faarax Cali Idaajaa ayaa xusay in dhallinyarada fursadda u heshay tababarka ay yihiin kuwa u diyaarsan inay waxbartaa, isagoo madaxda Wasaaradda ka codsaday inay diyaariyaan maktabad ay suxufiyiinta cilmiga ka bartaan.

“Waxaan idin kula dar daarmayaa in aadan dhex dhexaad ka noqon masiirka dowladnimada Soomaaliya, waa inaad arrintaas maanka ku heysaan, waxaana codsanayaa in Wasaarada loo sameeyo library oo dhallinyaradu ay bugaagta ku akhristaan” ayuu yiri Axmed Idaajaa.

Sii hayaha Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo soo xiray tababarka ayaa Agaasime Cabdirixiin iyo intii kale ee soo qaban qaabisay tababarka uga mahadceliyay qabsoomidda siminaarka, waxaana uu ku booriyay ka qeybgalayaasha in waxyaabaha ay halkan ka barteen ku dabaqaan shaqooyinkooda.

“Fursad qaali ah weeye in la is baro dhallinyarada iyo dadka aqoonta leh, sida Axmed Faarax Idaajaa iyo Maxamed Xasan Cirro, lana baro dhaqankooda iyo afkooda, waana uga mahadcelinayaa arrintaas”. Ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa sheegay in waxyaabaha siminaarka laga bartay ay qeyb ka ahayd wax curinta, taasi oo uu ku tilmaamay inay tahay meelaha ay ku liitaan suxufiyiinta, uuna ku faraxsanyahay in ay barteen, maadaama baahi weyn loo qabay.

“Waxaan idinku boorinayaa inaad joogteeysaan barnaamijyada iyo wararka ku saabsan wax curinta oo aad bulshada meelaha ay ka liitaan aad war ka soo sameysaan, waxaan kaloo halkan idinla wadaagayaa in Warbaahinta Qaranka laga dhigay warbaahin bulsho, waxaana sameyn doonaa guddi soo diyaariya siyaasadda ay ku shaqeyneyso Warbaahinta” ayuu yiri Mudane Maareeye.

Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa tilmaamay in Wasaaraddu ay ku howlanahay diyaarinta sharciga dhaqanka, bulshadana ay fursad u heli doonaan barashada dhaqankooda.

Ugu dambeyn waxaa shahaadooyin la guddoonsiiyay ka qeybgalayaasha siminaarkii kusaabsanaa Af-ka iyo dhaqanka.

 

 

Previous Post

Sii hayaha Wasiirka Maaliyadda oo aaladda fogaan aragga uga qeyb galay shirka sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka “SAWIRRO”

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo Talyaaniga la saxiixatay mashruuc lagu dhisayo Biyo xireenka Beledweyne

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo Talyaaniga la saxiixatay mashruuc lagu dhisayo Biyo xireenka Beledweyne

Dowladda Soomaaliya oo Talyaaniga la saxiixatay mashruuc lagu dhisayo Biyo xireenka Beledweyne

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

May 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq kaga qaybgali...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

May 16, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa Khamiistii kulan-doceed kula yeeshay...

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

May 15, 2025
0

Kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa....

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

May 15, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, xilli...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In