Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sii Hayaha Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Oo Dhagax Dhigay Xarunta Cusub Ee Wasaaradda “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Sii Hayaha Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Oo Dhagax Dhigay Xarunta Cusub Ee Wasaaradda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sii hayaha Wasiirka Waxbarashada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhagax dhigay dhismaha xarunta cusub ee Wasaaradda Waxbarashada oo ay ku shaqeyn doonaan howl-wadeenada Wasaaradda .

Mashruucaan lagu dhisayo sanduuqa horumarinta Waxbarashada waxaa Wasaaradda ka taageerayo hay’adda Save the children, iyadoo horey sidaan oo kale loogu dhisay xarunta Wasaaradda Waxbarashada ee Galmudug.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Axmed Cumar Ibraahim Wakiilka hay’adda Save ee Koofurta iyo bartamaha ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in Wasaaradda ay ka taageeraan houmarinta Waxbarashada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada mudane Axmed Xasan Yuusuf ayaa sheegay in dhismaha lagu horumarinayo xarunta Wasaaradda Waxbarashada uu door weyn ka qaadanayo tayeynta shaqooyinka shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada.

Sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare mudane Cabdullaahi Goodaxa Barre ayaa u mahadceliyay Barnaamijka Iskaashiga Caalamiga ee Waxbarashada (GPE) iyo Hay’adda Save the Children oo qeyb ka qaatay  dhismaha iyo dayactirka Wasaaradda Waxbarashada, waxaana uu sheegay in dhawaan sidaan oo kale looga dhagax dhigi doono magaalada Baydhabo xarunta Wasaaradda Waxbarashada ee Koonfur Galbeed.

Mudane Cabdullaahi Goodax Barre iyo Masuulyiinta kale ayaa waxa ay kormeereen dhismaha xarunta, keydinta xogaha gooobaha Waxbarashada dalka iyo Hoolka loogu talagalay shirarka Wasaaradda oo uu ka socdo dhisme

Previous Post

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Sheegay Inay Wax Ka Qabanayaan Cabashada Dadka Ku Nool Xamar Jadiid “SAWIRRO”

Next Post

WAR-MURTIYEED: Shirka Wadatashiga Doorashooyinka iyo Dhammeystirka Heshiisyadii Samareeb 1-3

Next Post
WAR-MURTIYEED: Shirka Wadatashiga Doorashooyinka iyo Dhammeystirka Heshiisyadii Samareeb 1-3

WAR-MURTIYEED: Shirka Wadatashiga Doorashooyinka iyo Dhammeystirka Heshiisyadii Samareeb 1-3

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In