Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Siminaar ku saabsan sare u qaadidda aqoonta ganacsatada oo lagu qabtay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Xoojinta amniga degmada Xamarweyne oo laga shiray “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Siminaarkan ku saabsanaa sare u qaadidda aqoonta maamuleed iyo midda hogaamineed ee Madaxda iyo Maamulka shirkahada ganacsi ee dalka, ayna ka qeyb galeen ku dhawaad 50 qof, isla markaana ay soo qaban qaabisay Jaamacadda Soomaalia ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.

Siminaarka oo ahaa mid hal maalin ah ayaa waxa casharada aqoon isweydaarsiga bixinayay Prof Ismaaciil Cali Siyaad iyo Prof Mucayad Gitwala oo u dhashay dalka Thailand, waxna ka dhiga Jaamcadda Soomaaliya, kuwaasi oo soo koobay sida ay ganacstada Soomaaliyeed ku horumarin karaan ganacsiga, iyagoo iskaashanaya, waxaana macalimiinta siminaarka bixinayay ay ka sheekeeyeen sida ugu wanaagsan ee ay ganacsatadu isaga kaashan karaan horumarka.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Guddoomiyaha Jaamacadda Soomaaliya C/ramaan Macalin Axmed oo ugu horeyn siminaarka ka hadlay ayaa tilmaamay in uu yahay mid looga go’leeyahay sida ay u wada shaqey karaan ganacsatada, isla markaana Jaamacadda ay ku dadaaleyso soo saarista aqoonyahano ka howlgalla xarumaha ganacsi ee dalka.

“Marka aan wax yar ka taabto ahmiyadda aan ka leenahay arrintan, ama workshop-ka ceynkan waxa ay tahay, horta waxaan ognahay ahmiyadda ay noo leedahay jaamacadda Soomaali ahaan, in aan marna ka maarmin la shaqeynta shirkadaha ganacsiga ee dalka ka jirta, waxaan garowsanahay in howsha aan hayno ee Jaamacada aysan socoteen haddii aysan jirin shirkado badan oo loo shaqeeyo” ayuu yiri Guddoomiyaha Jaamacadda Soomaaliya.

Qaar ka mid ah dadkii ka faa’idey siiminaarka ayaa ka sheekeeyay sida ay ugu faraxsanyihiin ka qeyb galka siminaarka, waxaana ay yiraahdeen. “Magaceyga waa Cabdullaahi Daa’uud Axmed, maanta waxaan ka qeyb galay siminaar ay soo qaban qaabisay Jaamacadda oo ku saabsanaa horumarinta iyo hogaaminta ganacsiga, siminaarka u jeedkiisu waxa uu ahaa si ganacsiga Soomaalida uu u sii jiri lahaa, runtii aad baan uga faa’idnay, magaceyga waa Badal Sheekh Axmed Kulmiye waxaan ka socdaa shirkadda iyo daabacaadda xayaysiinta ee Singjet, runtii labada prof, casharada ay halkan ka bixiyeen ganacsatadu way  ka heleen baraarujin ugu yaraan ay ka heli karaan, qataraha ka so horeeya ganacsigaooda,  sidee loo maareeyaa deymaha iyo arrimo kale”

Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Soomaaliya prof Xuseen Cismaan Axmed oo ugu dambeyntii siminaarka soo gabo gabeeyay ayaa sheegay in siminaarada nucaani oo kale ah ay joogteen doonaan, isla markaana siminaarkan uu wax badan ku soo kordhin doono ganacsatada ka soo qeyb gashay.

“Maamulka Jaamacadda Soomaaliya ee soo agaasimay munaasabadan qiimaha badan ee hadafkeeda ahaa sare u qaadista aqoonta maamuleed iyo midda hogaamineed ee Madaxda iyo Maamulaayasha shirkahada ganacsi ee dalka ku yaalla, dabcan waxaan u mahadcelinayaa sidoo kale ka soo qeyb galayaasha ka socda ganacsatada gaar ahaan qeybaha kala gedisan ee suuqa ka socda, aad iyo aad ayaan uga mahadcelineynaa” ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Soomaaliya.

Siminaarka ayaa gabo gabadii ka qeyb galayaasha la guddoonsiiya shahaadooyin.

 

Previous Post

Umulisoon aqoon leh oo la geyn doono degmooyinka iyo gobolla dalka “SAWIRRO”

Next Post

John Kerry oo Gaaray Jabuuti Dhaqaalana U Balanqaaday Qaxootiga Yemen

Next Post
John Kerry oo Gaaray Jabuuti Dhaqaalana U Balanqaaday Qaxootiga Yemen

John Kerry oo Gaaray Jabuuti Dhaqaalana U Balanqaaday Qaxootiga Yemen

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In