Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Siminaar ku saabsan wacyigelinta caafimaadka bulshada oo lagu qabtay Gaalkacyo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Shir looga hadlayay amniga oo lagu qabtay Gaalkacyo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Siminaarka oo lagu baranayo sida loo ilaalin karo caafimaadka bulshada ayaa maanta magaalada Gaalkacyo loogu qabtay in ka badan 70 qof oo ka kala socday bulshada qeybahooda kala duwan oo ka kala yimid deegaanada Gobalka Mudug qaarkood.

Tababarkan oo ay fulintiisa iska kaashanayaan Hay’adda daryeel oo fadhigeedu yahay dalka Sweden iyo ururka maxaliga ee SOSDA ayaa ahaa mid halmaalin, ayna ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka socotay GalmudugΒ  iyo aqoon yahano dhanka caafimaadka.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

Dr Cumar Maxamuud Rooble oo ku hadlayay magaca ururka SOSDA ayaa ugu horeyn ka hadlay xaflada furitaanka siminaarkaan, wuxuuna faah faahin ka bixiyay ujeedka siminaarka laga leeyahay iyo waxyaabaha lagu baran doono intuu socdo

β€œSiminaarkaan maanta wuxuu ku saabsanyahay arrimo la xiriirta adeegayda caafimaadka bulshada, dadku waxay aad u daneeyaan caafimaadka qofka shaqsigaa oo qofku markasta isaga daawo iyo isbitaal uu raadsado, laakiin waxaa laga yaabaa dadku ineysan tixgalin caafimaadka guud ee bulshada balse midka shaqsigaa, wuxuu ku xiran yahay midka guud, caafimaad guud oo bulsho haddii la helo midka shaqsigana waa la helayaa, dadka waxaa laga yaabaa ineysan ku baaraarugsaneyn caafimaadka meelaha ay ku nool yihiin, marka siminaarkan waa mid bulshada lagu baraarujinayo ilaalinta caafimaadka meelaha ay ku nool yihiin” ayuu yiri Dr Cumar.

Mas’uuliyiin ka socatay hay’adda daryeel oo fadhigeedu yahaydalka Sweden iyo qaar ka mid ah howlwadeenada caafimaadka gobalka Mudug, kuwaasi oo dhamaantood ku booriyay ka qeyb qaatayaasha siminaarkaan iyo in waxa ay ka faa’iideeystaan siminaarka gaarsiiyaan bulshada inteeda kale ee aan nasiibka u yeelanin.

Wasiirkii Wasaaradda caafimaadka maamulkii hore ee Galmudug Axmed Cumar Maxamuud oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta ka qeyb galay furitaanka siminaarka ayaa ku booriyay xubnihii loo qabtay in ay ka faa’iideystaan, isagoo xusay in caafimaadka bulshada oo la ilaaliyo, barashadeeduna ay tahay mid dadka iyo dalkaba ahmiyad weyn u leh.

β€œAad baan ugu faraxsanahay inaan maanta idinkala soo qeyb galo barnaamijka ku wacyi galinta caafimaadka ee bulshada sidaa ogsoontihiin caafimaadku waxaa loo qeybiyaa labo waa ka hortag iyo daaweeyn, ka hortagu wuxuu ka fiican yahay daaweeynta marka la doonayo in wax laga hortago waxaa xoogga la saaraa nadaafadda, marka waana key mahadsantihiin sidaa macluumadakaas bulshada loo bari lahaa ay labadiina hay’adood aad xil isaga saarteen” ayuu yiri Axmed Cumar.

Previous Post

Hay’ad samafal oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku nool Cadaado β€œSAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Maamulka Jubaland oo lagu soo dhaweeyay Garoowe β€œSAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Maamulka Jubaland oo lagu soo dhaweeyay Garoowe β€œSAWIRRO”

Madaxweynaha Maamulka Jubaland oo lagu soo dhaweeyay Garoowe β€œSAWIRRO”

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In