Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Siminaar lagu baranayay Ilaalinta Caafimaadka Bulshada oo lagu qabtay Degmada Hobyo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Siminaar lagu baranayay Ilaalinta Caafimaadka Bulshada oo lagu qabtay Degmada Hobyo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Siminaarkaan oo ay soo qaban qaabiyeen hay’adda Daryeel iyo Ururka Wadaniga ee SOSDA isla markaana ahaa mid lagu baranayay sida loo ilaalin karo caafimaadka bulshada ayaa loo qabtay ilaa 30 qof oo ka mid ah bulshada ku nool degmada Hobyo ee Gobalka Mudug.

Ugu horeyna waxaa furitaanka  siminaarka ka hadlay injineer  Cumar Maxamuud Rooble (Cumar Suuri)  waxaana uu sharaxaad ka bixiyay ujeedka siminaarka isagoo sidoo kalana xusay in uu qeyb ka yahay siminaaro dhowr ah oo hay”adda Daryeel iyo ururka SOSDA ay u qabteen bulshada Degmada Hobyo.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

“Waxaan ku faraxsanahay kasoo qeyb galka aad nagala soo qeyb gasheen kulanka ku saabsan wacyi gelinta Caafimaadka sidaa ogtihiina hay’adaha SOSDA iyo daryeel idinkuma cusba, Hobyana kuma cusba waa ogtihiin gobalkoo dhan ineey ka shaqeeyaan hobyana waxaan horay ugu qabanay, siminaaro wacyi gelin ah oo ku saabsan ka hortaga burcad badeednimada iyo kalluumaysiga barnaamijyadaana waa kuwo aan ugu tala galnay inaan uga faa’ideeyno bulshada, siminaarkaan waa mid aan uga gol leenahay in bulshadu ay ku bartaan sidii ay u ilaalin lahaayeen caafimaadkooda” ayuu yiri Cumar Maxamuud Rooble oo ku hadlayay magaca Hay’adda Daryeel oo fadhigeedu yahay Dalka Swedan

Waxaa isna sidoo kale madasha furitaanka siminaarka ka hadlay Maxamed Daahir Aadan oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka socatay ururka SOSDA, waxaana uu ka sheekeeyay  wasaqda cuduarada ka dhalan kara.

“Bulshadu markeey hesho caafimaad, waxay awoodaa ineey wax walba qabsadaan bulaacadaha biyaha haddii aan la nadiifin waxaa ka dhasha cudurada farabadan oo ay ka mid yihiin Malaariyada, cagaarshowga, tiifowga, shubanka iyo kuwa kale” ayuu yiri Maxamed Daahir Aadan

Simaanaarkaan oo ahaa mid hal maalin ah ayaa intii uu socday waxaa kasoo qeyb galayaashii halkaasi uga soo jeediayay  Dr C/raxmaan Maxamed Aadan casharo la xariira sida loo ilaalin karo caafimaadka bulshada iyo deegaanka iyo haddii aan la ilaalin dhibaatada caafimaad daro ee ka dhalan karta

Ma ahan markii u horeeysay ee ay Hay’adda Daryeel oo kaashaneeysa Ururka maxaligaa ee SOSDA ay siminaaro iyo tababaro ku aadan caafimaadka waxbarashada qatarta burcad badeednimada iyo sida looga faa’ideeysan karo khayraadka Badda u qabtaan Bulshada ku nool deegaanada Dowlad Gobaleedka Galmudug u qabtaan

Waxaa Diyaariyay Wariye C/risaaq Maxamed Axmed (C/risaaq Galkacyo)

1 (1) 1 (2) 1 (3) 1 (4) 1 (5)

Previous Post

Madaxweyne ku-xigeenka dawlad goboleedka Puntland oo la kulmay xubnaha Aqalka Sare u metelaya “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo Madaxda Hirshabeelle ku bogaadiyay inay xaliyaan tabashooyinka bulshada

Next Post
Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida G/Sarre Cabdulqaadir Xaaji Maxamed

Madaxweynaha Soomaaliya oo Madaxda Hirshabeelle ku bogaadiyay inay xaliyaan tabashooyinka bulshada

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In