Siminaarkaan oo muddo afar maalin ah uga socday magaalada Muqdisho saraakiil iyo howlwadeeno ka tirsan Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliyaย ayaa waxaa u soo xiray Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Gaashaandhigga mudane Cabdalle Xuseen Caliย siminaarkaas oo ay bixineysay hayโadda IIDA oo ka mid ah hayโadaha ka howl gala dalka.
Siminaarka ayaa ahaa mid lagu baranayay ka hor taga ku xadgudubka xaquuqda aadanaha iyo askareynta carruurta, waxaana saraakiisha ka qayb gashay tababarka ay meesha ka saareen in Soomaaliya ay ka jirto in carruur loo askareeyo ka mid noqoshaha ciidanka Qaranka.
Marwo Duniyo Maxamed Cali oo ka mid ah saraakiisha Hayโada IIDA oo ka hadashay xiritaanka siminaarka ayaa sharaxaad ka bixisay siminaarka iyo ujeedooyinka laga lahaa.
โTababarkaan waxaa uu ku saabsanaa ilaalinta xaquuqda guud ahaan ee beniโadaamka, gaar ahaan tan carruurta Soomaaliyeed, tababarkaan wuxuu ahaa mid fikirka Soomaali ay lahayd,โayuu tiri marwada.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga mudane Cabdalle Xuseen Cali ayaa uga mahad celiyay hayโada IIDA siminaarka ay siisay saraakiisha Wasaaradda gaashaandhiga, waxaana uu sheegay in waxba aysan ka jirin eedeyamaha ah in dowladda Soomaaliya ay carruur askareyso, dadka loo soo xiray siminaarka ayuuna la dar daarmay.
โWaxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay inaan idin kala soo qayb galo oo aan idiin xiro howshii ay idiin waday maalmihii la soo dhaafay hayโada IIDA oo aan runtii uga mahad celineyno fursadaan qaaliga ah oo ay u sameysayย Wasaaradda Gaashaandhiggaโayuu yiri Wasiir ku-xigeenka.
Wasiir ku-xigeenka ayaa dhanka kale waxaa uu shaaca ka qaaday in Wasaaraddu furtay akoon loogu talo galay in bulshadu uga qayb qaadato taageerida ciidanka xooggaย iyo howlgalada ka dhanka ah kooxda UGUS, waxaana uu bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ciidanka lagu taageero xoreynta dalka .
โWaxaa la furay Akoon akoonkaasi oo loogu magac daray difaaca dalka qof walba oo mawaadin ah oo Soomaali ahna in uu ka faaโiideysto waad ogtiihiin dalka cadaw ayaa ku dhuumaaleysanaya, cadawgaasna hadaanaan anagu iska xoreyn qof naga xoreynayaa ma jiro, aduunku waa na kaalmey karaa laakiin howsha inteeda badan anaga ayaa nalaga rabaaโayuu yiri Wasiir Cabdalle.
Ugu dambeyntii Wasiir ku-xigeenka difaaca ayaa waxaa uu shahaadooyin guddoonsiiyay saraakiisha loo soo xiray siminaarka oo 20 kor u dhaafayay.